9/18/2019
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Dec 7 , 2018
Musharrax Asad Cismaan: Haddii aan xilka qabto waxaan ballan-qaadaya inaysan dhici doonin Puntland kala maqan



Jimco, December, 07, 2018 (HOL)– Musharraxa Madaxweynaha Puntland ee doorashada 2019 ,Mudane Asad Cismaan Cabdullaahi   ayaa maanta lagu soo dhaweeyey magaalada dhaqanka ee Qardho.

Boqollaal dadweyne ah ayaa musharraxa iyo waftigiisa kaga hortegay bannaanka hore ee magaalada, waxaana shacabku safaf dhaadheer u galeen siddii Musharraxa xafiiska Madaxweynaha Puntland ,Asad Cismaan Cabdullaahi  loogu soo dhaweyn lahaa Qardho. Dadka soo dhaweeyay waxaa ay isugu jireen Nabadoonno,dhallinyaro ,haween,Aqoon-yahanno,Arday iyo Cuqaal.

Musharrax Asad Cismaan,ayaa khudbad ka jeediyey barxadda guriga beenyada ee bartamaha Qardho  ,ugu horrayn waxa uu u mahadceliyay qaybaha bulshada ee magaalada Qardho  oo isugu soo baxay soo dhaweyntiisa.

"Qardho maanta waa hadashay, horrey-na idinka hadlay oo waxaad tiraahdeen isa soo sharrax...  shacab weynaha reer Punland baa i dalbaday, maanta waad muujiseen".  ayuu yiri Asad Cismaan.

Waxa uu ballanqaaday haddii uu xilka ku guulaysto inaysan dhici doonin Puntland kala maqan oo uu xorrayn doono deegaannada gacanta Puntland ka maqan, isagoo wax laga xumaado ku tilmaamay in magaalada Laascaanood  lagu xirxiro shacab dareenkooda muujiyay oo taageerray musharaxnimadiisa.

"Waxaan u sheegayaa qoladda xirxiratay in dadkaas xorriyadooda u soo celiyaan, xaq bay u leeyihiin inay muujiyaan dareenkooda -gobolkaasi waa Sool, magaalada Laascaanood wixii ka dhacay waad ogtihiin". ayuu yiri Musharrax Asad Cismaan.

Nabadoonno ,waxgarad ,dhallinyaro iyo haween ka hadlay soo dhaweynta musharraxa ayaa sheegay inay taageersanyihiin musharrax Asad Cismaan Cabdullaahi.

Musharrax Asad Cismaan oo socdaalkiisa 'Difaac iyo dowladnimo' ku soo maray Degmooyinka Badhan, Ufayn, Carmo, Waaciye, Dhahar iyo deegaanno kale waxaa  uu inta uu Qardho ku sugan yahay kulamo la qaadan doonaa qaybaha kala duwan ee bulshada magaalada, isagoo kala hadli doonaa barmaajimkiisa siyaasadeed ee uu doonayo inuu ku hoggaamiyo Puntland.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]








Click here
12/7/2018 12:14 PM EST
Jimco, December, 07, 2018 (HOL)– Hay'adda sirdoonka iyo nabadsugidda Soomaaliya ayaa shaacisay in gacanta lagu dhigay labo xubnood oo ka tirsan kooxda al-Shabaab.

12/7/2018 12:12 PM EST
Jimco, December, 07, 2018 (HOL)– Dalalka Nigeria iyo Soomaaliya ayaa kaalinta 1-aad iyo midda 2-aad uga jira waddamada ay sannadka 2018-ka ka dheceen falalka ugu badan ee la xiriira argagixisanimada ee guud ahaan qaaradda Afrika.

12/7/2018 12:07 PM EST
Jimco, December, 07, 2018 (HOL)– Maxkamad ku taalla deegaanka Shanzu, ee is maamulka Mombaasa ayaa maanta waxaa ka soo muuqday John Maina Wang’ombe, oo khamiistii dilay labo gabdhood oo uu isagu dhalay.

12/7/2018 11:15 AM EST
Jimco, December, 07, 2018 (HOL) - Kulan si ballaaran looga soo qayb-galay oo ay soo qabanqaabisay Diane Deans oo ah haweeneey laga soo doorto xaafadda Gloucester-Southgate ee koonfurta magaalada Ottawa ayaa si weyn looga hadlay ka hortagga dilalka hubeysan

12/7/2018 10:43 AM EST
Jimco,December,07,2018 (HOL) - Munaasabad lagu furayey maqaayada Kulan Caffe laanteeda saddexaad, ayaa lagu qabtay shaley magaalada Nairobi ee dalkan Kenya, iyadoo ay kasoo qeyb galeen xaflad madax iyo ganacsato fara badan.

12/7/2018 10:25 AM EST
Jimco, December, 07, 2018 (HOL)–Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa ka qayb galay Tukashada Salaad Jinaaza ah iyo aas Qaran oo loo sameeyay Allaha u naxariistee Taliyihii iyo abaan duulihii Guutada 12-ka April ee Ciidanka XDS, Jan, Cumar Aaden Dubbad (Cumar Dheere) iyo Jen, Cabdi Cali Jammaame, oo Shalay ku dhintay qarax ka dhacay nawaaxiga Dhanaane ee Gobolka Shabeellada hoose.

12/7/2018 8:22 AM EST
Jimco, December, 07, 2018 (HOL)–Magaalada Taleex oo ku dhowaan toban sano lahayd xad cagaaran oo aan laysu gudbin ayaa maanta si nuuxda loo soo afjaray, kadib wadahadal todobaadyadii la soo dhaafay oo ay madax-dhaqameed kala duwan ka qayb qaateen.

12/7/2018 6:38 AM EST
Jimco,December,07,2018 (HOL)– Garyaqaanka Guud ee Puntland,Maxamed Yuusuf Maxamuud ayaa qoraal uu soo saaray maanta wuxuu kaga hadlay khilaafka ka dhashay magacaabiista guddiga ansixinta iyo xallinta khilaafaadka Baarlamaanka ee u dhaxeeya madaxweynaha Puntland iyo ku-xigeenkiisa.

12/7/2018 6:26 AM EST
Jimco,December,07,2018 (HOL)– Golaha wasiirrada Puntland ayaa galinkii dambe ee khamiistii ansixiyay gobolka Taleex oo xaruntiisu noqon doonto degmada Taleex.

12/7/2018 5:56 AM EST
Jimco, December, 07, 2018 (HOL)–Saraakiisha maamulka dowlad deegaanka Soomaalida ayaa sheegay in ciidamada amniga gacanta ku dhigeen hub iyo walxaha Qaraxa.

12/7/2018 3:19 AM EST
Jimco, December, 07, 2018 (HOL)-Taliyaha ciidamada xoogga dalka Soomaaliya S/gaas Daahir Aadan Cilmi Indhaqarshe ayaa tacsi u diray dhammaan Qoysaska iyo Shacabka Soomaaliyeed ay ka shahiideen General Cumar dheere oo ahaa taliyihii qeybta 12April iyo Abaandullaha qeybta 12April ee ciidanka xoogga dalka General Cabdi Cali Jamaame kuwaasi oo shalay ku geeriyooday qarax miino oo ka dhacay meel u dhow degaanka Dhanaane ee Gobolka Shabellaha Hoose.

12/7/2018 2:50 AM EST
Jimco, December, 07, 2018 (HOL) - Hay'adda Dhakhaatiirta aan Xuduudda Lahayn ee magaceeda loo soo gaabiyo MSF ayaa lagu qasbay in ay soo afjarto qorshihii ay ku badbaadin jirtay dadka ku tahriibada badda Mediterranean-ka.

12/7/2018 1:35 AM EST
Jimco, December, 07, 2018 (HOL)-Taliyaha ciidamada Boliiska Soomaaliyeed,Sarreeye Gaas, Bashiir Cabdi Maxamed, oo safar shaqo ku jooga dalka Jabuuti ayaa tababar ugu soo xiray halkaasi Cutubyo ka tirsan Boliiska Soomaaliyeed.

12/7/2018 1:02 AM EST
Jimco, December, 07, 2018 (HOL)-Madaxweynaihii hore ee Maraykanka George H.W. Bush ayaa xalay fiidkii lagu aasay Gobolka Texas kadib markii toddobaad xflado duco ah loo sameeyey dalkan.