7/22/2019
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Dec 7 , 2018
Degmada Taleex oo muddo 10 sano ah kaddib leysku furay


 

Jimco, December, 07, 2018 (HOL) – Magaalada Taleex oo ku dhowaan toban sano lahayd xad cagaaran oo aan laysu gudbin ayaa maanta si nuuxda loo soo afjaray, kadib wadahadal todobaadyadii la soo dhaafay oo ay madax-dhaqameed kala duwan ka qayb qaateen.

Socod balaadhan oo aan loo kala hadhin oo madax-dhaqameedku horkacayaan oo uu hormuud ka ahaa Boqor Burhaan Boqor Muuse ayaa dhexmaray wadooyinka waaweyn ee magaaladaasi dhexmaray.

"Magaalada Taleex maanta waxaad moodaa maalin ciid ah iyadoo usha cirka loo tuuraa aanay dhulka ku dhacayn, waxaan ku odhan karaa maanta ma jiro qof guri ku jira, xitaa caruurtii, umulihii iyo kuwii aan soconkarayn waa laysu soo baxay, farxad maanta ka weyn oo Taleex soo martayna ma jirto ayaan ku odhan karaa" sidaa waxaa HOL u sheegay Axmed Maxamed Daadey.

Farxada magaalada hadhaysay ayaa sababteeda ay qaateen madax-dhaqameed ka kala yimi Puntland, Jubbaland iyo degaano kale, walow ay inta badan qaar ka mid ah waxgaradka degmada Taleex oo Garaad Saleebaan Garaad Maxamed ay mudo laba bilood ka badan dhiraandhirinayeen sidii colaada toban jirka ku dhow soo afjaraan.

 

Maalinta beri ah ayaa la filayaa in xaflad balaadhan lagu qabto Berde-khaatumo oo ku yaala koonfurta Taleex, iyadoo ay halkaasi ku sii qulqulayaan wufuud kala duwan oo dalka gudihiisa ka imaanaya sidii ay marag uga noqdaan heshiiskaas.

Dhamaadkii sanadkii 2011kii ayay colaada labada daamood ee magaalada Taleex ay halkaasi ka hoortay taas oo kala goysey qoysas iyo qaraabo aan kala maarmin kuwaas oo maanta ay u suuragashay in ay midoobaan, iyadoo illaa todoba jeer oo hawshaas laysku deyey ay guuldaraysteen.

Si kastaba ha ahaatee maanta waxaa Taleex ka curatay hogol farxadeed waxaana dhamaan bulshadu ay ku niyad sanyihiin dhamaadka sanadihii madoobaa.

Seynab Cabdi Warsame 
laascaanood G Sool

 










Click here
12/7/2018 12:14 PM EST
Jimco, December, 07, 2018 (HOL)– Hay'adda sirdoonka iyo nabadsugidda Soomaaliya ayaa shaacisay in gacanta lagu dhigay labo xubnood oo ka tirsan kooxda al-Shabaab.

12/7/2018 12:12 PM EST
Jimco, December, 07, 2018 (HOL)– Dalalka Nigeria iyo Soomaaliya ayaa kaalinta 1-aad iyo midda 2-aad uga jira waddamada ay sannadka 2018-ka ka dheceen falalka ugu badan ee la xiriira argagixisanimada ee guud ahaan qaaradda Afrika.

12/7/2018 12:07 PM EST
Jimco, December, 07, 2018 (HOL)– Maxkamad ku taalla deegaanka Shanzu, ee is maamulka Mombaasa ayaa maanta waxaa ka soo muuqday John Maina Wang’ombe, oo khamiistii dilay labo gabdhood oo uu isagu dhalay.

12/7/2018 11:53 AM EST
Jimco, December, 07, 2018 (HOL)– Musharraxa Madaxweynaha Puntland ee doorashada 2019 ,Mudane Asad Cismaan Cabdullaahi ayaa maanta lagu soo dhaweeyey magaalada dhaqanka ee Qardho.

12/7/2018 11:15 AM EST
Jimco, December, 07, 2018 (HOL) - Kulan si ballaaran looga soo qayb-galay oo ay soo qabanqaabisay Diane Deans oo ah haweeneey laga soo doorto xaafadda Gloucester-Southgate ee koonfurta magaalada Ottawa ayaa si weyn looga hadlay ka hortagga dilalka hubeysan

12/7/2018 10:43 AM EST
Jimco,December,07,2018 (HOL) - Munaasabad lagu furayey maqaayada Kulan Caffe laanteeda saddexaad, ayaa lagu qabtay shaley magaalada Nairobi ee dalkan Kenya, iyadoo ay kasoo qeyb galeen xaflad madax iyo ganacsato fara badan.

12/7/2018 10:25 AM EST
Jimco, December, 07, 2018 (HOL)–Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa ka qayb galay Tukashada Salaad Jinaaza ah iyo aas Qaran oo loo sameeyay Allaha u naxariistee Taliyihii iyo abaan duulihii Guutada 12-ka April ee Ciidanka XDS, Jan, Cumar Aaden Dubbad (Cumar Dheere) iyo Jen, Cabdi Cali Jammaame, oo Shalay ku dhintay qarax ka dhacay nawaaxiga Dhanaane ee Gobolka Shabeellada hoose.

12/7/2018 6:38 AM EST
Jimco,December,07,2018 (HOL)– Garyaqaanka Guud ee Puntland,Maxamed Yuusuf Maxamuud ayaa qoraal uu soo saaray maanta wuxuu kaga hadlay khilaafka ka dhashay magacaabiista guddiga ansixinta iyo xallinta khilaafaadka Baarlamaanka ee u dhaxeeya madaxweynaha Puntland iyo ku-xigeenkiisa.

12/7/2018 6:26 AM EST
Jimco,December,07,2018 (HOL)– Golaha wasiirrada Puntland ayaa galinkii dambe ee khamiistii ansixiyay gobolka Taleex oo xaruntiisu noqon doonto degmada Taleex.

12/7/2018 5:56 AM EST
Jimco, December, 07, 2018 (HOL)–Saraakiisha maamulka dowlad deegaanka Soomaalida ayaa sheegay in ciidamada amniga gacanta ku dhigeen hub iyo walxaha Qaraxa.

12/7/2018 3:19 AM EST
Jimco, December, 07, 2018 (HOL)-Taliyaha ciidamada xoogga dalka Soomaaliya S/gaas Daahir Aadan Cilmi Indhaqarshe ayaa tacsi u diray dhammaan Qoysaska iyo Shacabka Soomaaliyeed ay ka shahiideen General Cumar dheere oo ahaa taliyihii qeybta 12April iyo Abaandullaha qeybta 12April ee ciidanka xoogga dalka General Cabdi Cali Jamaame kuwaasi oo shalay ku geeriyooday qarax miino oo ka dhacay meel u dhow degaanka Dhanaane ee Gobolka Shabellaha Hoose.

12/7/2018 2:50 AM EST
Jimco, December, 07, 2018 (HOL) - Hay'adda Dhakhaatiirta aan Xuduudda Lahayn ee magaceeda loo soo gaabiyo MSF ayaa lagu qasbay in ay soo afjarto qorshihii ay ku badbaadin jirtay dadka ku tahriibada badda Mediterranean-ka.

12/7/2018 1:35 AM EST
Jimco, December, 07, 2018 (HOL)-Taliyaha ciidamada Boliiska Soomaaliyeed,Sarreeye Gaas, Bashiir Cabdi Maxamed, oo safar shaqo ku jooga dalka Jabuuti ayaa tababar ugu soo xiray halkaasi Cutubyo ka tirsan Boliiska Soomaaliyeed.

12/7/2018 1:02 AM EST
Jimco, December, 07, 2018 (HOL)-Madaxweynaihii hore ee Maraykanka George H.W. Bush ayaa xalay fiidkii lagu aasay Gobolka Texas kadib markii toddobaad xflado duco ah loo sameeyey dalkan.