4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Dec 7 , 2018
Saraakiisha dowlad deegaanka Soomaalida oo ka hadlay Qaraxyo la qabtay

 

Jimco, December, 07, 2018 (HOL) – Saraakiisha maamulka dowlad deegaanka Soomaalida ayaa sheegay in ciidamada amniga gacanta ku dhigeen hub iyo walxaha Qaraxa.

Qarax-yadda ayeey sheegeen saraakiishu in ay u badnaayeen miinooyin, waxaana la doonaayay in lagu weeraro xarumo ku yaalla Magaalada Jigjiga, sidda ay sheegeen saraakiisha ciidanka booliska dowlad degaanka Soomaalida.

Taliyaha ciidamada Booliiska dowlad deegaanka Soomaalida Maxamed Xasan ayaa sheegay in Qaraxyaddaan ay soo abaabuleen Mas’uuliyiin ka tirsanaa maamulkii madaxweyne Cabdi Maxamuud Cumar ee Tallada si xoogga ah looga tuuray.

Waxaa uu intaa ku daray in ay gacanta ku hayaan xubno lagu eedeeyay in ay ka dambeeyeen Qarax-yadda, islamarkaana dhawaan maxkamad lasoo taagi doono.

Madaxda dowlad deegaanka ayaa horay u sheegay in xubno ka tirsanaa maamulkii hore ay qaraxyo kasoo abaabulayaan Maamulada, Somaliland, Jubbaland iyo Puntland. 

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]