4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Dec 7 , 2018
Taliska ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed oo ka tacsiyeeyay saraakiil lagu dilay qaraxa miino

 

Jimco,  December, 07, 2018 (HOL)-Taliyaha ciidamada xoogga dalka Soomaaliya S/gaas Daahir Aadan Cilmi Indhaqarshe ayaa tacsi u diray dhammaan Qoysaska iyo Shacabka Soomaaliyeed ay ka shahiideen General Cumar dheere oo ahaa taliyihii qeybta 12April iyo Abaandullaha qeybta 12April ee ciidanka xoogga dalka General Cabdi Cali Jamaame kuwaasi oo shalay ku geeriyooday qarax miino oo ka dhacay meel u dhow degaanka Dhanaane ee Gobolka Shabellaha Hoose.

“Innaa Lillaahi Wa Innaa Ileyhi Raajicuun. Anigoo ku hadlaya magaca ciidanka xoogga dalka iyo kaygaba, waxaan tiiraanyada la qaybsanayaa qoyskii, ehelladii iyo shacabka Soomaaliyeed ee ay ka baxeen Taliyihii Qaybta 12-ka Abriil Marxuum Janaraal Cumar Aadan Xasan (Cumar Dheere), Abaanduulihiisii Marxuum Janaraal Cabdi Cali Jamaame iyo askartii kale ee la geeriyootay”ayuu yiri S/gaas Daahir Aadan Cilmi indhaqarshe.

“Labada Janaraal iyo askartii kale ee ku geeriyooday qaraxan waxaa ay waqtigoodii iyo naftoodiiba u hureen Difaaca Dalkooda waxayna dadaal badan galiyeen sidii Soomaaliya looga sifeyn lahaa kooxaha Cadowga Al-shabaab ee u taagan daadinta dhiigga Islaamka”ayuu raaciyay Taliyaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliya.

Taliyaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliya S/gaas Daahir Aadan Cilmi Indhaqarshe ayaa sheegay in geerida saraakiishaani aysan niyad jabin doonin ciidamada xoogga dalka, isagoona tilmaamay mar waliba ciidanka xoogga dalka ay sii wadi doonaan howlgalka dalka.looga xureynayo Al-shabaab.

Dhanka kale taliyihii hore ee ciidanka xoogga dalka Sareeye Gaas C/wali Jaamac Xuseen Gorod iyo Dhammaan Saraakiisha ciidanka xoogga dalka ayaa shacabka Soomaaliyeed iyo ehelada ay ka shahiideen saraakiisha iyo Askarta kaga tacsiyadeeyay geerida Marxuumiintii shahiiday maanta.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]