Madaxweyne Farmaajo oo ka tacsiyeeyay saraakiishii iyo askartii ku geeriyootay qaraxii Dhanaane
Khamiis, December, 06, 2018 (HOL) -Madaxweynaha
dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka
tacsiyeeyay geerida ku timid Taliyihii, Abaanduulihii iyo askar ka tirsan
Qaybta 12-ka Abriil ee ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed kuwaas oo ay miino
dhulka lagu aasay kula qaraxday meel u dhaw deegaanka Dhanaane ee Gobolka
Shabeellaha Hoose.
“Innaa Lillaahi Wa Innaa Ileyhi Raajicuun. Anigoo
ku hadlaya magaca Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo kaygaba, waxaan
tiiraanyada la qaybsanayaa qoyskii, ehelladii iyo shacabka Soomaaliyeed ee ay
ka geeriyoodeen taliyihii Qaybta 12-ka Abriil Marxuum Janaraal Cumar Aadan Xassan
(Cumar Dheere), Abaanduulihiisii Marxuum Janaraal Cabdi Cali Jamaame iyo
askartii kale la geeriyootay.”
“Labada Janan iyo askartii kale ee ku shahiidday
qaraxan waxay waqtigoodii iyo naftoodiiba u hureen soo celinta nabadgelyada
dalkooda, waxayna dadaal badan galiyeen sidii Soomaaliya looga sifeyn lahaa
kooxaha argagixisada ah.
“Waddani-yiintan naftood-hurayaasha ah waxaa lagu
xasuusan doonaa kaalintii ay ka geysteen xoreynta deegaanno badan oo hoos
yimaadda Gobolka Shabeellaha Hoose.” Ayuu yiri Madaxweynaha.
Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa
labada Janan iyo askartii kaleba Eebbe uga baryay in uu naxariistii Jannatul
Fardowsa ka waraabiyo, qoyskii iyo ehelladii ay ka tageenna uu sabir iyo iimaan
ka siiyo.
Ururka Al-Shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyadda qarax miino oo maanta ay la
eegteen gaari ay la socdeen Taliyaha qeybta 12-ka April iyo Abaanduulaha
Qeybta, agagaarka deegaanka Dhanaane ee duleedka Koofureed Muqdisho.
C/raxmaan Diini,
Hiiraan Online
[email protected]