4/17/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Dec 6 , 2018
Taliyihii guutada 12-aad ee milatariga Soomaaliya iyo saraakiil kale oo lagu dilay qarax miino


Khamiis, December, 06, 2018 (HOL)– Taliyihii qeybta 12-ka April ee ciidanka xoogga dalka Jen. Cumar Aadan Dhabad (Cumar Dheere) iyo saraakiil kale ayaa lagu dilay qarax miino oo waddada dhinaceeda la dhigay,sida ay ku warrantay warbaahina gudaha.

Wararka ayaa intaa ku daraya in qaraxa uu sidoo kale ku geeriyooday Abaanduulaha qeybta 12-ka April Jen. Cabdi Cali Jamaame iyo illaa toddobo askari oo kale.

Qaraxa ayaa lala beegsaday xilli Taliyaha iyo kolonyadiisa ay ka soo laabteen deegaanka Dhanaani ee gobolka Shabeellaha hoose oo ay saldhig ku leeyihiin Ciidammada xoogga dalka.

Kooxda al-Shabaab ayaa durbadiiba sheegatay mas'uuliyada weerarka lagu dilay saraakiisha milatariga dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Jenaraalka geeryooday ee qeybta 12-ka April , Cumar Dheere ayaa horay usoo qabtay xilal, waqtigii dowladdii kumeelgaarka aheyd ayuu noqday wasiir ku-xigeen iyo xildhibaan,isagoo ka mid ahaa saraakiishii hore ee milatariga Soomaaliya.

Wasaaradda gaashandhigga Soomaaliya iyo hay'adaha kale ee dowladda federaalka ma jirto warbixin ka soo baxday oo looga hadlay qaraxa lagu dilay hoggaanka guutada 12-ka April ee ciidanka xoogga ee ka howlgalla gobolka Shabeellaha hoose.

Al-Shabaab ayaa ku xooggaan gobolka Shabeellaha hoose ,halkaas oo la rumeysan yahay inay ka soo abaabusho weerarrada ay ka fuliso caasimadda Muqdisho.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]