4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Dec 6 , 2018
Gudoomiyaha Aqalka Sare oo Kismaayo kulamo kula leh madaxda Jubbaland

Khamiis, December, 06, 2018 (HOL)–Mudane Cabdi Xaashi, gudoomiyaha golaha aqalka sare ee Baarlamanka dalka oo maanta soo gaaray magaalada Kismaayo ayaa kulamo la leh madaxda Jubbaland oo uu ugu horeeyo madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Max’ed Islaam.

Wafdiga Gudoomiyaha oo maanta soo gaaray Kismaayo ayaa waxaa lagu soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha, waxaana intaa kadib wafdiga la geeyay guriga martida Jubbaland ee magaalada Kismaayo.

Gudoomiyaha aqalka sare ayaa sheegay in uu magaalada Kismaayo u yimid arimo muhiim u ah midnimada umadda iyo khilaafaadka u dhexeeyo madaxda dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada.

Aqalka sare ayaa dhawaan shaaciyay in ay ku guuleysteen wejigii 1-aad ee dhexdhexaadin ay ka dhex wadeen madaxda dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada, ayago soo saaray qodobo dhowr ah oo ay sheegeen in dowlad goboleedyadu ka cabanayeen, kuwaa oo ay u bandhigeen dowladda dhexe si ay wax uga qabato.


Khilaafka u dhexeeya dowlad Soomaaliya iyo dowlad goboleedyada ayaa in mudo ah soo taagnaa, ayadoo uusan jirin xal ilaa hadda laga gaarin arimahaasi, balse aqalka sare ayaa gudiyo u diray dowlad goboleedyada, soona ururiyay xogo ku saabsan tabashooyinka labada dhinac.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya.