4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Dec 6 , 2018
Dhinacyada Yemen ee colaadu u dhaxeyso oo ku wada hadlaya dalka Sweden

 

Khamiis, December, 06, 2018 (HOL)- Waxaa dalka Sweden goor dhow wada hadal uga furmay dhinac-yada isku haya dalka Yemen, waxaana khudbad daah fur ah halkaasi ka jeediyay ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobe u qaabilsan Yemen Martin Grithifs

Martin ayaa sheegay in mustaqbalka dalka Yemen uu gacanta ugu jiro kooxaha isku haaya dalkaasi ee lagu wadahadalsiinayo Sweden, waxaana Xuutiyiinta wadahadalkaasi ku matalaayey saraakiil sar sare oo laf dhabar u ah jiritaankooda.

“Waxaa sharaf inoo ah in ugu dambeyn wadahadlkaani uu qabsoomayo oo aan si loo dhan yahay kaga soo qeyb galnay waxaana rajaynayaa in uu ka dhalan doono heshiis lagu aayo oo taariikhi ah” ayuu sheegay ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobe u qaabilsan Yemen Martin Grithifs.

Todobaadkii tagay ayey aheyd markii xulufada Sacuudiga uu hogaamiyo ay 50 dagaalyahano oo xuutiyiinta ka tirsan oo dagaalada Yemen ku dhaawacmay ay u ogolaadeen in loo qaado dalka Cumaan si loogu soo dabiibo, taasi oo muujinaysa in wax xoogaa xulufada uu Sacuudiga hogaamiyo ay dabacsanaan muujinayaan.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]