4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Dec 6 , 2018
Puntland: Guddiga ansixinta iyo xallinta khilaafaadka oo soo saaray shuruudaha laga rabo Xildhibaannada cusub

Khamiis, December, 06, 2018 (HOL)– Guddigii uu dhawaan magacaabay, madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ee xallinta khilaafaadka iyo ansixinta Baarlamaanka ayaa maanta soo saaray shuruudaha laga rabo xubnaha ka mid noqonaya Baarlamaanka cusub ee Puntland.

Guddiga oo xiganaya qodobka 61-aad ee dastuurka Puntland oo qeexaya shuruudaha lagaga mid noqon karo golaha wakiilada Puntland, ayaa ku xiray xildhibaannada inay buuxiyaan lix qodob oo kala ah;

1- In uu yahay muwaadiin Puntland ah, Muslim ah, guta waajibaadka diiniga ah, xilkas ah, anshax wanagsan, Miyirkiisu dhan yahay ,da'diisuna aanan ka yareyn soddon sanno (30 Jir).

2- In aan xuquuqdiisa muwaadinimo xukun maxkamadeed lagaga laalin 5tii sanno ee la soo dhaafay.

3- In uu leeyahay aqoon dugsi sare ama waayo aragnimo u dhiganta

4- Inuu keensado habraacii soo xulista xubinnimada reerkiisa

5- Inuu keensado shahaado dugsi sare iyo wax udhigma

6- Inuu keensado labo sawir iyo taariikg nolaleedkiisa.

Qabashada araajida qofka buuxiyey sharuudahan waxay billaaban doonta 10/12/2018, waxayna ku eegtahay 15/12/2018, sida uu sheegay guddiga.

Guddigan ayaa shaqadiisa billaabay xilli uu jiro guddi kale oo u isna dhawaan magacaabay madaxweyne ku-xigeenka, wallow ay xubno iska casileen, haddana ma jiro ilaa hadda arrinta xal laga gaaray,balse warsaxaafadeed madaxtooyada ay shalay baahisay ayaa lagu sheegay guddiga shaqeynaya inuu yahay guddiga uu magacaabay madaxweynaha.

Doorashada Puntland ayaa la qorsheeyay inay dhacdo siddeeda bisha Jannaayo ee sanadka 2019-ka, waxaana socda ololaha ay wadaan musharrixiinta u tartamaya xilka madaxweynaha.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]