4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Dec 6 , 2018
Maamulka gobolka Banaadir oo amar hor leh duldhigay Ganacsatada suuqa Xamarweyne

Khamiis, December, 06, 2018 (HOL)– Guddoomiye ku-xigeenka Arimaha Bulshada maamulka Gobalka Banaadir ,Basmo Caamir oo warbaahinta la hadashay ayaa digniin u dirtay Ganacsatada degmada Xamarweyne, kaddib kormeer ay ku tagtay Suuqa degmada.

Guddoomye Basmo ayaa sheegtay in marnaba aan la aqbali doonin in ganacsatada Degmada Xamarweyne ay qashinka ay qubaan haddana ay ku dul ganacsadaan iyagoo aan xil iska saarin nadaafadda suuqa degmadaasi, in ay il gaar ah ku hayaan Suuqa degmada Xamarweyne ayay  Ciidamada ilaalada deegaanka fartay, cidii ku xad gudubta nadaafadda suuqana la ganaaxi doono.

Si gaar ah ayay carabka ugu adkeysay inaan la aqbali doonin in haween ku shaqeeya iskaa wax u qabso goob ay nadiifiyeen haddana dib qashin loogu qubo.

Nurre Mohamed Ali ,Hiiraan Online
[email protected]