4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Dec 6 , 2018
Guddoomiyaha Aqalka Sare iyo Wafdi uu hoggaaminaayo oo Kismaayo ku wajahan

Khamiis, December, 06, 2018 (HOL)– Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare ,Cabdi Xaashi Cabdullaahi iyo wafdi uu hoggaaminaayo ayaa ku wajahan magaalada Kismaayo ee xarunta kumeelgaarka ah ee dowlad-gobolleedka Jubbaland.

Guddoomiyaha socdaalkiisa ayaa la xiriirta arrimaha ku aaddan dadaalladii Golaha Aqalka Sare ay ugu jireen xallinta khilaafka soo kala dhex galay Dowladda iyo maamul-goboleedyada.

In uu ku wajahan yahay Kismaayo ayuu warbaahinta u sheegay Cabdi Xaashi oo howlihii xallinta ee Aqalka sare ay ka dhex wadeen Dowladda iyo Maamul Goboleedyada awgeed uu halkaasi u tagaayo.

“Waxaan aadeynaa Kismaayo waxaan u aadeynaa waa tii aan hawl soo wadnay meel gabo gabo ah ayeey mareysaa waxaan dooneynaa in aan soo gaba gabeyno dadaaladii socday.” Ayuu yiri Cabdi Xaashi.

Guddoomiye Cabdi Xaashi oo hadalkiisa sii wataa yaa hoosta ka xariiqay inay lakulmayaan cid walba uu khilaaf kala dhaxeeyo dowladda si loo gaaro hormar waara.

Khilaafka soo kala dhex galay Dowlad Goboleedya iyo Dowladda waxaa uu meesha ka saaray kalsoonidii iyo wada shaqeyntii ka dhaxeysay labada dhinac.

Nurre Mohamed Ali ,Hiiraan Online
[email protected]