3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Dec 6 , 2018
Wasiirka Waxbarshada Soomaaliya oo booqday Madbacadda Buugaagta Magaalada Qaahira

 

Khamiis, December, 06, 2018 (HOL) -Wasiirka waxbarashada Soomaaliya C/llaahi Goodax Barre, oo booqasho ku jooga Dalka Masar, ayaa tagay Madbacadda Buugaagta Magaalada Qaahira, isagoo halkaasi kula kulmay Madaxa Madbacadda Nahdet Misr, Daila Maxamed Ibraahim. 

Wasiir  Goodax, ayaa Madaxa Madbacadda Masar kala hadlay, sidii loo  horumarin lahaa tayada waxbarashada Dalka , taasoo ay ugu horreyso soo  saarista  Buugaagta Manhajka oo ku qoran Afka Soomaaliga.

“Waxaan ka wada hadalnay horumarinta waxbarashada dalka oo ay ugu horeyso soo saarista  Buugaagta Manhajka oo ku qoran Afka Soomaaliga”, ayuu yiri Wasiirku.

Wasiirka waxbarashada ayaa sheegay inay ka Wasaarad  ahaan mar walba u  heellan yihiin sidii kor loogu qaadi  lahaa waxbarashada dalka,  islamarkaana loo kordhin lahaa xirfadda dhalinyarada Soomaaliyeed.

Wasiirka waxbarashada Soomaaliya, C/llaahi  Goodax Barre, ayaa intii  uu halkaasi joogay waxa uu la kulmay Wasiirka waxbarashada Masar,  Wasiirka Tacliinta sare ee Masar iyo Xoghayaha Jaamacadda Carabta,  iyagoo ka wada hadlay sidii loo tayayn lahaa waxbarshada Soomaaliya.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]

 













Click here
12/6/2018 11:58 AM EST
Khamiis, December, 06, 2018 (HOL) -Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka tacsiyeeyay geerida ku timid Taliyihii, Abaanduulihii iyo askar ka tirsan Qaybta 12-ka Abriil ee ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed kuwaas oo ay miino dhulka lagu aasay kula qaraxday meel u dhaw deegaanka Dhanaane ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

12/6/2018 10:50 AM EST
Khamiis, December, 06, 2018 (HOL)– Taliyihii qeybta 12-ka April ee ciidanka xoogga dalka Jen. Cumar Aadan Dhabad (Cumar Dheere) iyo saraakiil kale ayaa lagu dilay qarax miino oo waddada dhinaceeda la dhigay,sida ay ku warrantay warbaahina gudaha.

12/6/2018 10:02 AM EST
Khamiis, December, 06, 2018 (HOL)–Mudane Cabdi Xaashi, gudoomiyaha golaha aqalka sare ee Baarlamanka dalka oo maanta soo gaaray magaalada Kismaayo ayaa kulamo la leh madaxda Jubbaland oo uu ugu horeeyo madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Max’ed Islaam.

12/6/2018 7:29 AM EST
Khamiis, December, 06, 2018 (HOL)– Madaxweynaha dalka Eritrea,Isaias Afeworki ayaa dhawaan booqanaya dalka Jabuuti, sida laga soo xigtay wasiirka arrimaha dibadda dalka Jabuuti Maxamuud Cali Yuusuf.

12/6/2018 7:04 AM EST
Khamiis, December, 06, 2018 (HOL)- Waxaa dalka Sweden goor wada hadal uga furmay dhinac-yada isku haya dalka Yemen, waxaana khudbad daah fur ah halkaasi ka jeediyay ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobe u qaabilsan Yemen Martin Grithifs

12/6/2018 7:04 AM EST
Khamiis, December, 06, 2018 (HOL)– Guddigii uu dhawaan magacaabay, madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ee xallinta khilaafaadka iyo ansixinta Baarlamaanka ayaa maanta soo saaray shuruudaha laga rabo xubnaha ka mid noqonaya Baarlamaanka cusub ee Puntland.

12/6/2018 6:39 AM EST
Khamiis, December, 06, 2018 (HOL)– Guddoomiye ku-xigeenka Arimaha Bulshada maamulka Gobalka Banaadir ,Basmo Caamir oo warbaahinta la hadashay ayaa digniin u dirtay Ganacsatada degmada Xamarweyne, kaddib kormeer ay ku tagtay Suuqa degmada.

12/6/2018 6:35 AM EST
Khamiis, December, 06, 2018 (HOL)– Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare ,Cabdi Xaashi Cabdullaahi iyo wafdi uu hoggaaminaayo ayaa ku wajahan magaalada Kismaayo ee xarunta kumeelgaarka ah ee dowlad-gobolleedka Jubbaland.

12/6/2018 4:18 AM EST
Khamiis, December, 06, 2018 (HOL)-Inta la ogyahay saddex ruux ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhinteen Qarax baabuur meel u dhow saldhigga booliiska koonfurta bari ee magaalada Chabahar ee dalka Iran sidda ay sheegeen Hay’adda Ammaanka dalkaasi.

12/6/2018 1:02 AM EST
Khamiis, December, 06, 2018 (HOL)–Dowladda Itoobiya ayaa markii ugu horeysay waxaa ay isku diyarineysaa in ay shidaal dhoofiso,sida lagu sheegay war ka soo baxay wasaaradda Macdinta, Shidaalka iyo Saliidda Dabiiciga ee dalkaasi Itoobiya.

12/6/2018 12:42 AM EST
Khamiis, December, 06, 2018 (HOL)–Taliska howlgalka Mareykanka ee Africom ayaa qoraal uu soo saaray ku faah faahiyay duqeyn cirka ah oo ay ka geysteen deegaan ka tirsan gobolka Shabeellaha Hoose, gaar ahaan degmada Awdheegle.