4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Dec 6 , 2018
Weerar Ismiidaamin ah oo ka dhacay Iran

 

Khamiis, December, 06, 2018 (HOL)-Inta la ogyahay saddex ruux ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhinteen Qarax baabuur  meel u dhow saldhigga booliiska koonfurta bari ee magaalada Chabahar ee dalka Iran sidda ay sheegeen Hay’adda Ammaanka dalkaasi.

Qarax gaari ayaa lagu weeraray Saldhiga, xilli halkaasi ay ku sugnaayeen Ciidamo badan oo Boolis ah sidda uu warbaahinta u sheegay Gudoomiyaha gobolka weerarku ka dhacay. 

“Argagixisadu waxay weerareen saldhiga booliska Chabahar waxaa ay la  socdeen gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay,” ayuu yiri guddoomiyaha gobolka Sistan-Baluchestan, Rahmdel Bamari.

Qaraxa ayaa waxaa xigay weerar toos ah oo  ay ku qaadeen Saldhiga Koox hubeysan oo daba socotay gaariga Qaraxa siday.  

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]