4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Dec 31, 2018
Wararka u dambeeyay doorashada Puntland

Isniin, December, 31, 2018 (HOL)- Dowlad-gobolleedka Puntland ee Soomaaliya ayaa lagu wadaa toddobaadkan inay u noqoto billowga maalmaha doorashada,iyadoo diyaar garow xooggan oo doorashada la xiriira laga dareemayo magaalada xarunta ee Garoowe.

Galinka dambe ee maanta ayaa la filaya in guddiga xallinta khilaafaadka iyo ansixinta Baarlamaanka uu shaaciyay xubnaha Baarlamaanka cusub, kuwaaso soo dooran doona guddoomiyaha Baarlamaanka, madaxweynaha iyo ku-xigeenkiisa.

Dhaqdhaqaaq xoog leh ayaa ka socda Garoowe,waxaana la hadalhaya shaacinta xildhibaannada cusub,kuwaas oo shaqada ugu horreeya ee ay qabanayaan ay tahay inay iska dhex doortaan guddoomiye oo u noqon doono xildhibaanka ugu da'da weyn,kaddibna waxaa ay dooran doonan guddi ka shaqeeya doorashada guddoomiyaha iyo ku-xigeennadiisa.

Doorashada waxaa xilka madaxweynaha u tartamaya ku dhawaad soddan musharrax,balse tiro inta ka yar ayaa iyaguna u sharraxan xilka madaxweyne ku-xigeenka.

Siddeeda bisha Jannaayo ayaa lagu ballamay doorashada madaxweynaha iyo ku-xigeenkiisa inay dhacdo, waxaa ka horraysa doorashada guddoomiyaha Baarlamaanka iyo ku-xigeennadiisa oo iyaduna dhacaysa horraanta bisha Jannaayo.

Wararkii u dambeeyay

Guddiga xallinta khilaafaadka iyo ansixinta Xildhibaannada ayaa iyagu ku mashqulsan shaacinta xildhibaannada cusub.

Musharrixiinta u tartamaya xilka madaxweynaha iyo qaar ka mid ah culimada Puntland ayaa hadda shir uga socda Garoowe, waxa ugu weyn ee kulanka uu la xiriira waxaa lagu sheegay sidii looga fogaan lahaa musuqmaasuqa.

Dadaal waxaa socda ay wadaan musharrixiinta qaar kuwaas oo doonaya inay tanaasul ka helaan musharrixiinta ay isku beesha yihiin iyo kuwa ay ka doonayaan inay is xulafeystaan.

Madaxweynaha xilka haya Cabdiweli Gaas oo musharrax ah ayaa safar deg deg ah oo aan horey loo shaacin saakay ku tagey gobolka Mudug, socdaalka dadka qaar waxay u arkayeen wax la yaab leh,maaddaama uu Cabdiweli ku jira olole xooggan ,cadaadis badana uu kala kulmayo musharrixiinta ku dadaallaya inuu isbeddel ka dhaco Puntland.

Sidoo kale, waxaa aad loo adkeeyay amniga magaalada xarunta ah ee Garoowe,iyadoo ciidammo dheerad ah ay ka wadaan magaalada howlgallo joogto ah,gaadiidka ayaa bacda madow laga fiiqaya,baraha koontarooladana waxaa socda baaritaan.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]