4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Dec 31, 2018
Shiikh Hasina oo mar kale noqotay ra’iisal wasaaraha Bangladesh

 

Isniin, December, 31, 2018 (HOL)- Ra’iisal wasaaraha dalka Bangladesh Sheekh Hasina ayaa mar saddexaad loo doortay xilkaasi ka dib doorashadii guud ee dalkaasi ka dhacday shalay oo Axad ahayd, sida uu sheegay guddiga doorashooyinka dalkaasi.

Xisbiga Sheekh Hasina ayaa heshay 281 ka mid ah 350 kursi ee uu ka kooban yahay baarlamaanka dalkaasi, waana kuraas ka badan tii uu helay doorashadii tan ka horreysay.

Mucaaradka dalkaasi ayaa cambaareeyay waxa uu ku tilmaamay doorashada “Khiyaaliga ah” ee ay hareeyeen rabshado, handadaad iyo eedeymo ah in lagu shubtay doorashadaasi.

Mucaaradka ayaa baarlamaanka ka helay toddobo kursi oo kaliya, waxa ayna codsadeen in doorashadu lagu celiyo.

“Waxaan ugu baaqeynaa guddiga doorashooyinka in si deg deg ah uu laalo natiijadan khiyaaliga ahi,” ayuu yiri Kamaal Xuseen oo ah hoggaamiyaha mucaaradka.

“Waxaan dalbaneynaa in sida ugu dhakhsaha badan loo qabto doorasho cusub oo ay maamuleyso dowlad dhexdhexaad ah.”

Guddiga doorashooyinka Bangladesh ayaa wakaaladda wararka ee Reuters u sheegay in ay meelo badan oo dalkaasi ah ay ka soo gaareen eedeymo ah in doorashada lagu shubtay, arrintaa oo uu sheegay in baaritaan uu ku sameyn doono.

Ugu yaraan 17 qof ayaa ku dhimatay isku dhacyo dhexmaray taageerayaasha xisbiga haya talada dalka iyo kuwa mucaaradka.

Xigashada BBC