4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Dec 30, 2018
Dr. Cali Ciise Cabdi oo saddex qodob u ballan-qaaday shacabka Puntland

Axad, December, 30, 2018 (HOL)-  Dr. Cali Ciise Cabdi ayaa maanta kaga dhawaaqay magaalada Garoowe inuu yahay musharrax u tartamaya kursiga madaxweynaha Puntland doorashada dhacaysa siddeeda bisha Jannaayo ee sannadka 2019ka.

"Dowladnimada waa Amni sugan, dhaqaale hufan, sinaan iyo caddaalad ... Aniga intaas ayaan u ballanqaadaya shacabka inan ka dhabeyn doono." ayuu yiri Dr. Cali Ciise oo khudbad kooban ka jeediyay munaasabad uu ku shaaciyay musharraxnimadiisa.

Dr. Cali oo  toddobaad ka hor maalinta doorashada ee Puntland ku dhawaaqey inuu isu soo taagey tartanka xafiiska Madaxweynaha Puntland kama hadlin sababta ku kaliftey ee saacaddan danbe soo kicisey in uu u tartamo xilka Madaxweynaha,waxaana uu sheegay tallo iyo dadkii uu la wadaagay inay soo dhaweeyeen , isagoo hoosta ka xariiqey in aysan soo kicin dan shakhsiyadeed.

Sidoo kale, ma uusan soo hadal qaadin halka ay ku danbeysey qaddiyadii uu muddada dheer aaminsanaa ee ahaa in Sool iyo Cayn si gaar ah aayahooda uga tashtaan iyaga oo laga goynayo Puntland.Musharraxu si gaar ah ugama hadlin xaaladda gobolka Sool ee intiisa badan ka maqan yahay maamulka Puntland iyo waxa uga qorsheysan.

"Wixii mideynaya umadda reer Puntland ,umadda Soomaaliya dhammaanted kuna ridaya tubta lagu gaarayo astaanta dowladnimadda inan waxaan awood ,garasho aan leeyahay inan ku dadaallo". ayuu ku daray hadalkiisa Dr. Cali Ciise .

Munaasabadda  Dr. Cali Ciise uu ku shaaciyey musharaxnimadiisa waxaa ka hadley Siyaasi Cabdi Ibraahim Warsame oo loo yaqaan Cabdiqawdhan oo maalmo ka hor ku dhawaaqey in uu yahay Musharax xilka Madax-weyne ku-xigeen ee Puntland, Cabdiqawdhan waxay raas ama jifi hoose wadaagaan Siyaasi Dr. Cali Ciise Cabdi. Qawdhan ayaa sheegay in iyaga tabartoodu halkaas gaarsisey sidaasna ula muqatey in ay isu sharaxaan Madaxweyne ku-xigeen laakiin hadda dusha looga yimid, si rasmi ah uguma dhawaaqin in uu ka qaybgalka tartanka Madaxweyne -kuxigeenka isaga hardhey laakiin waxa uu muujiyey in uu isaga hadhi karo.

Gabagabadii, waxaa xafladda hadallo ka jeediyay Isimmo ay ka mid yihiin Ugaas Xasan Ugaas Yasiin, Beldaaje Cali Faarax, garaad Cabdullaahi Cali Ciid, Beeldaaje Ismaaciil beeldaaje Yaasiin, Suldaan Burtinle iyo qaar kale waxaana ay dhamaantood ugu duceeyeen musharaxa in haddii kheyr ugu jiro rabbi la garab galo.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]