4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Dec 30, 2018
Mas'uuliyiinta Degmada Laascaanood ayaa waxba kama jiraan ku tilmaameen Go'aan gudiga nabadgelyada ka soo baxay

 

Axad, December, 30, 2018 (HOL)- Fadhi aan caadi ahayn oo ay yeesheen golaha degaanka degmada Laascaanood ayay kaga horyimaadeen go'aan lagu joojinayo dhismaha qaarkii oo ay gudiga nabadgelyadu shalay soo saareen.

Gabagabdii fadhigaas oo ay saxaafada la hadleen qaar ka mid ah xildhibaanada degmada Laascaanood ayay ku sheegeen in go'aankaas uu baalmarsan yahay sharciga aanayna u hogaansami doonin.

Gudoomiyaha degmada Laascaanood Cabdicasiis  Xusseen Xassan ayaa waxa uu dhaleecayn dusha uga tuuray Gudoomiyaha Gobolka Sool oo uu sheegay in hawlihiisii ay dayacan yihiin isla markaana uu doonayo in ta dawlada Hoose uu carqalad geliyo.

"Waxay ahayd maanta in la bilaabo Qorshihii Town Plan-ka magaalada waxaana taas ka horyimi Gudoomiyaha" sidaana waxaa yidhi Gudoomiyaha isagoo intaas raaciyey in mashaakilaadka magaalada ka jira oo ay ka mid tahay taageerada doorashada Puntland ee halkan lagu qabanayo uu waxba ka qaban waayey.

 

Dhamaan xildhibaanada ayaa fariin u diray Madaxweynaha Somaliland oo ka cadsaday in uu wax ka qabto Gudoomiyaha oo ay sheegeen in uu la kowsadey imaanshihiisii amni xumada ka jirta magaalada Laascaanood.

Dhinaca kale waxaa saaka ka anba baxay magaalada Laas-caanood Wasiirka Hawlaha Guud oo la filayey in uu xadhiga ka jaro qorshaynta magaalada Laascaanood taas oo loo qaatay in khilaafka haatan jiraa uu sabab u noqday inaanay bilaabmin.

Go'aanka khilaafkan sababay ayaa sheegay in la joojiyey mudo siddeed bilood ah dhismaha dhulka qaarkii iyo ka garnaqoodaba.

Seynab Cabdi Warsame 
Laascaanood G Sool