4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Dec 30, 2018
Guddoomiye ku-xigeenkii degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan oo weerar lagu dilay

 

Axad, December, 30, 2018 (HOL)-Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxay weerar maleeshiyo belleed ku qaadeen gaari uu la socday guddoomiye ku-xigeenkii degmada Matabaan Faarax Nuur Guure (Faarax Dheere) oo weerarka lagu dilay isaga iyo ilaalo la soctay.

Guddoomiye ku-xigeenka ayaa la sheegay in uu ka soo anbabaxay degmada Maxaas isaga oo ku soo jeeday dhinaca  magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan hasse ahaatee gaarigii uu la socday ayaa lagu waramayaa maleeshiyaad hubeysan ku weerarreen deegaan aan ka fogeyn degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan.

Wararku waxaa ay sheegayaan in uu goobta ku dhintay guddoomiye ku-xigeenka iyo saddex kale oo dhalinyarro ah oo gaariga la saarneyd, waxaana uu ka mid ahaa marxuumka mas'uuliyiin maalmihii ugu danbeeyay-ba ku howlanaa joojinta dagaal belleed ka dhacay deegaanno u dhaxeeya labada gobol Hiiraan iyo Galguduud.

Maleeshiyada weerarka geystay oo heyb ahaan ka soo jeedda dhinaca gobolka Galguduud ayaa lagu waramayaa in ay horay u kaxeysteen gaarigii ay la socdeen marxuumiinta la dilay.

Ilaa iyo hadda ma jiro wax war ah oo ka soo baxay dhinaca maamulka maamulka gobolka Hiiraan oo la xiriira weerarka lagu dilay guddoomiye ku-xigeenka degmada Matabaan, hasse ahaatee arintan ayaa u muuqata in ay salka ku heyso dagaallo maalmihii ugu danbeeyayba ka dhacayay deegaanno dhaca xadka  labada gobol Hiiraan iyo Galguduud.

Marxuumka dhintay ayaa marka laga soo tago in uu ahaa guddoomiye ku-xigeenkii degmada Matabaan, dhinaca kale waxaa uu ka mid ahaa dhalinyarrada firfiroon ee ka shaqeeya nabadda iyo ka hortaga colaadaha.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]