4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Dec 30, 2018
Xildhibaannada Golaha Shacabka oo meel-mariyay xeer hoosaadka Golaha

 

Axad, December,30, 2019 (HOL)-Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa cod aqlabiyad leh ugu codeeyay xeer hoosaadka Golaha Shacabka oo dib u eegis lagu sameeyay.

170 xildhibaan ayaa ogolaatay, waxaana diiday hal xildhibaan, mana jirin wax ka aamusay.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka mudane Maxamed Mursal oo kulanka shir guddoominaya ayaa sheegay in dhamaan xildhibaanada qaranka ay cod wada ogol ah ku ansixiyeen xeer hoosaadka oo dib u eegis balaaran lagu sameeyay.

Dhinaca kale Waxaa wali xarunta golaha shacabka ee Magaalada Muqdisho ka socda kulanka 32-aad ee golaha shacabka.

Ajendayaasha dhiman ee kulanka ayaa ah Aqrinta saddexaad sharciga howlgabnimada, xaqsiinta iyo hibooyinka xubnaha ciidamada qalabka sida iyo sidoo kale u codeynta Miisaaniyadda dowladda ee 2019-ka.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]