4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Dec 30, 2018
Ciidamada Dowladda Soomaaliya oo garabsanaya kuwa Mareykan ah oo howlgal ka fuliyay degmada Jilib

 

Axad, December, 30, 2018 (HOL)-Wararka ka imanaya degmada Jilib ee gobolka Jubbada Dhexe ayaa sheegaya in howlgal ay iska kaashadeen ciidamada dowladda iyo kuwa Mareykan ah lagu qaaday saldhiggii ugu weynaa Al-shabaab ee degmada.

Taliyaha qeybta 43aad ee ciidanka xoogga dalka Jen. Cali Maxamed Maxamuud Bogmadow ayaa sheegay in ciidamada kumaandooska ee Danab iyo kuwa Mareykanka ay qaadeen howlgal qorsheysan oo laga fuliyay Xarun tababar Al-Shabaab ku lahaayeen Jilib.

Waxaa uu sheegay in howlgalka lagu dilay illaa 30 dagaalame ka tirsan Shabaab oo afar ka mid ah ay ahaayeen ajaaniib, sida uu hadalka u dhigay.

Ma jirto war ka madax banaan sheegashada Taliyaha qeybta 43aad Jen. Bogmadow oo xaqiijinaya howlgalka lagu dilay tirada intaas la eg oo Al-Shabaab ka tirsan.

Hase ahaatee Taliska Mareykanka ee Afrika ayaa muddooyinkii u  dambeeyay faah faahin ka bixinayay howlagalada iyo weerarada duqeymaha  ee ay ka fuliyaan Soomaaliya, kaasoo lagu bartilmaameedsado Al-shabaab  iyo Daacish.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]