4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Dec 29, 2018
Guddoomiyaha Maxkamada Sare : Dadka Al-shabaab Garsoorka u doonta waxey muteysan doonaan ciqaab

 

Sabti, December, 29, 2018 (HOL)- Guddoomiyaha Maxkamada Sare Soomaaliya Baashi Yuusuf Axmed ayaa wax aan loo dul qaadan karin ku tilmaamay in dadka shacabka ee ku dhaqan deegaannada ay dowladdu maamusho Garsoor u doontaan Maxkamadaha Al-shabaab.

Gudoomiye Baashe ayaa ugu digay dadka u doonta Al-shabaab Garsoorka in ay wajahi doonaan cawaaaqibkeeda oo uu sheegay in xabsi ay ku muteysan doonaan, waxa uuna ku nuux nuuxsaday in maxkamada ay soo gola joojin doonaan dadkii ay ku cadaato in Shabaab ay cadaalad ay u doonteyn.

Wuxuu kaloo sheegay in todobaadkii hore xabsiga loo taxaabay saddex ruux oo Al-Shabaab garsoor u doontay deegaanada ay maamulaan, kuwaasoo horay ugu guuldareystay Maxkamadaha dowladda Federaalka.

“Waxaa jira dad aan og-nahay oo maxkamaddaha ay dacwado ka yaalaan, oo dacwadahaasi looga guuleystay oo Documentiyada ay sitaan been ay yihiin, dabadeedna si ay cadaaladda u hor istaagaan u taga cadowga dalka, markaa waxaan doonaynaa in aan Shacabka u sheegno in aanan u dulqaadaneyn iyadoo Garsoor Cadaalad ah dalka laga heli karo in cadowga u tagaan.” Ayuu yiri Gudoomiyaha Maxkamadda Sare ee dalka

Dadka Shacabka ee ku dhaqan deegaannada ay maamusho dowladda Soomaaliya ayaa intooda badan xukun iyo garsoor u aadan Maxkamadaha Al-shabaab, waxaana jira digniin marar badan oo hore ay dadkan u jeediyeen mas’uuliyiinta deegaannada ay dowladdu ka arimiso, laakiin waxaa muuqata in bulshadu wali ku xukuntamaan maxkamadaha ay maamulaan Al-shabaab.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]