4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Dec 29, 2018
Baarlamaanka Soomaaliya oo kulan yeelanaya, kaddib toddobaadyo uu hakad ku jiray

Sabti, December, 29, 2018 (HOL) - Xildhibaannada Baarlamaanka federaalka ayaa maanta kulan ku leh xarunta golaha shacabka, kaddib 25 maalin oo Baarlamaanka uusan wax kulan ah yeelan , sababo la xiriira khilaaf hareeyay Guddoonka Baarlamaanka.

Kulanka maanta oo Sabti ah ee Golaha Shacabka uu yeelanayo ayaa ajandaha looga hadlayo waxaa ka mid ah miisaaniyadda sanadka 2019ka oo la qorsheeynayo in si degdeg ah loo meel mariyo, ka hor inta aanu dhammaan sannadkan.

Balse, xildhibaannada qaar oo warbaahinta gudaha la hadlay ayaa wax lala yaabo ku tilmaamay in ajandaha maanta aanay ku jirin xisaab xirka miisaaniyadda sannadkii 2017ka iyo sannadkan dhammaanaya ee 2018, oo aanay Wasaaradda Maaliyaddu weli soo bandhigin.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]