4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Dec 29, 2018
Garoowe: Musharrax Siciid Deni oo Daah-furay Buugga Aragtidiisa Siyaasadeed ee uu ku Hoggaaminayo Puntland

Sabti, December, 29, 2018 (HOL) - Musharrax Siciid Cabdullaahi Deni oo ah Musharrax u taagan Xilka Madaxweynaha Puntland 8-da Jannaayo 2019ka  ayaa magaalada Garoowe Ku soo bandhigay Daah-furka Barnaamijkiisa Siyaasadeed oo ku hoggaamin doono Puntland 2019ka illaa 2023ka,haddii uu xilka ku guuleysto.

Xafladda Daah-furka waxaa ka soo qeybgalay Siyaasiyiin, Isimadda dhaqanka, Ururrada Haweenka, Dhallinyarada iyo wax garad kala duwan, iyadoo ka qeybgalayaasha loo qeybiyey Buugga barnaamijka siyaasadeed ee musharrax Siciid Deni,waxaana si qoto dheer u Sharxay Buuggaas Musharaxa oo ku dheeraaday sida ay ugu go'antahay ka dhabeynta Qorshahiisa.

Beeldaaje Ismaaciil Beeldaaje Yaasiin oo ka hadlay Xafladda ayaa Sheegay...." Mudane Siciid Deni soo dhawoow, wax badan ayaad dalkan ka soo qabatay, waxaa wax kusoo bartay Dugsiga Nawaawi oo aad aas-aastay, waxaan ahay mirahaagii, runtii Siciid in wuxuu qabtay lagala bakheylo ma'ahan, waa maskaxdii ka dambaysay Hay'adda Kheyriga ah ee Tadaamun waan ugu duceyn haddii uu kheyrku ugu jiro xilka Madaxweyninimo"....


Musharrax Siciid Deni mar uu ka hadlay Buugga uu daah-furay ayuu sheegay....." Barnaamijkaygu wuxuu ka kooban yahay 8 Yool oo kala ah:

Yoolka 1aad: Isbeddel Siyaasadeed oo laga hirgaliyo Puntland 2019-2023.

Yoolka Labaad: Sugidda Amniga Puntland

Yoolka Saddexaad: Dib-u-habeynta Nidaamka Maaliyadda iyo Kobcinta Dhaqaalaha Puntland.

Yoolka Afraad: Bixinta Adeegyada Bulshada.

Yoolka Shanaad: Taabba galinta Garsoor xaqiijin kara Sarraynta Sharciga.

Yoolka 6aad: Daryeelka Deegaanka iyo Xakameynta saameynta Isbeddelka Cimilada.

Ballanqaadyo u gaar ah Dhallinyarada.

Ballan-qaadyo u gaar ah Haweenka, Yoolasha aan hiigsanayo Yool kasta oo kamid ah caqabadihiisa iyo ballan qaadkiisa ayuu idiin soo koobayaa Barnaamij siyaasadeedkaygu"......

Sidoo kale Musharrax Siciid Deni ayaa Sheegay...."Shantii sano oo u dambaysay Maamulka talada haya waxa uu ku guul-darreystay u adeegidda bulshada, sugidda amniga, hirgalinta sarraynta sharciga, sidoo kale waxa uu ku takri-falay awoodda dawladda, wuxuuna gaystay musuq-maasuq baahsan oo dhaawacay hannaanka dawladnimo. Hadaba; waxaa hubanti ah in uusan maamulkan hadda dhisan isi sixi Karin, mudneynna in dib loo doorto, waxa kaliya oo habboon waa in la beddelo, dalka iyo dadkana laga badbaadsho"......

....... " Barnaamij Siyaasadeedkayga waxaa saldhig u ah Tayeyn: waxa ayna ka macno tahay in 20 kii sano ee Puntland soo jirtay, ay jiraan guulo lagu tilaabsaday iyo guul-darrooyin dhacay, waxaana hubanti ah in horumarka laga sameeyay dhanka dawladnimada uu aad uga hooseeyo filashadii bulshada Puntland, hay’adaha dawliga ahna in badan oo kamida ay u jiraan qalfoof ahaan (Magac-uyaal) ayna laga maarmaan tahay tayeyntooda iyo dib u habeyntooda si ay u noqdaan kuwo taabbo-gal ah oo ka jawaabi kara baahiyaha bulshada Puntland.

Tiigsi: waxa uu ka tarjumayaa hiraalka iyo hiigsiga siyaasadeed waqtiga dhaw iyo waqtiga fog, iyada oo laga duulayo: Xagee ka nimi? Xagee joognaa? Xageese usoconaa? Yoolkuna yahay in lagaaro dawladnimo hana qaad ah oo gaarsiisan filashada bulshada".....ayuu yiri Musharrax Siciid Deni.

Waa Musharrixii ugu horeeyey ee soo Bandhiga Bugga Aragtidiisa Siyaasadeed oo ku Hoggaaminayo Puntland, xilli waqtiga loo ballamay doorashada madaxweynaha Puntland ay ka harsantahay kaliya toban maalin.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]