4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Dec 26, 2018
Xaaf oo baaq ka soo saaray dagaallo ka socda deegaanno ka tirsan Gobollada Hiiraan iyo Mudug

 

Arbaco, December, 26, 2018 (HOL)-Madaxweynaha  Galmudug Axmed Ducaale Geelle ayaa ku baaqay in si shuruud la’aan ah loo joojiyo dagaalka ka socda degaanka u dhaxeeya gobollada Hiiraan iyo Galguduud iyo dagaalka ka socda deegaanka Kaxandhaale ee gobolka Mudug. 

Xaaf ayaa sheegay in Galmudug ay ka go’antahay  in si dhaw xal u helida arinta ay uga kaashato Dowlad Goboleedka  Hirshabelle si xal waara looga gaaro colaada si loo baajiyo in la  daadiyo dhiiga dadka Soomaaliyeed.

“Dagaallada iyo colaadaha soo noqnoqday waxaa looga gudbi karaa in  dadka walaalaha ah ee dagaalamaya ay xalka xeelad ku raadiyaan halkii ay  xabad adeegsan lahaayeen, ayna Alle waydiistaan dambi dhaaf,  islamarkaana ay ku wada noolaadaa deris wanaag,Is -ogol iyo  isku-tanaasul.”ayuu yiri madaxweyne Xaaf.

Waxaa uu sidoo kale ka hadlay dagaalada ka soconaya  gobolka Mudug waxana uu yiri “Waxaan rabaa inaan baaq wadajireed u  jeediyo dadka Soomaaliyeed ee dhiiggoodu uu ku daadinayo Deegaanada  Dudan cade iyo Kaxandhaale. Waxaan leeyahay xabad joojin degdeg ah hala  sameeyo, dhiiga daadanayana hala baajiyo.

Dagaal wiil kuma dhashee, wiil  baa ku dhinta. Waxa dhimanaayo dad xidid iyo xigaala ah. Reer Galmudug  waxa looga baahanyahay mar walba in ay u hiiliyaa nabadda, deris wanaaga  iyo wada noolashaha.”.

Dagaalo beeleed sababay qasaare isugu jira dhimasho  iyo dhaawac ayaa waxaa ay ka dhaceen deegaano ka mid ah Galmudug iyo Hirshabelle.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]