4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Dec 25, 2018
Madaxweynaha Sudan oo loogu baaqay in uu is casilay

 

Talaado, December, 25, 2018 (HOL)-Ururada shaqaalaha iyo dadka u oleelaya bulshada rayidka ee dalka Suudaan ayaa ku baaqay dibadbaxyo loo wada dhan yahay oo lagu codsanayo inuu iscasilo madaxweynaha Suudaan Cumar Al Bashiir.

Dadkan waxay codsanayaan inuu xilka ka dego madaxweynha isla markaasna la sameeyo dowlad kumeel gaar ah.

Waxaa ay qorsheynayaan inay dibadbaxyo ka dhigaan agagaarka xarunta madaxtooyada ee magaalada Khartuum.

Dhaqaatirta Suudaan ayaa Isniintii dibadbaxyo ka dhigay dalkaasi, waxayna ka qeyb yihiin dadka ka careysan qiimaha shidaalka iyo rootiga oo sare u kacay.

Isniintii, madaxweyne Cumar Al Bashiir ayaa ballan qaaday inuu isbaddallo dhab ah sameyn doono isla markaasna uu wax ka qaban doono nolosha dadka reer Suudaan.

Wuxuu madaxweynaha ka digay tallaabooyinka khalkhalga horseedi karo.Dalka  Suudaan waxaa maalmihii ugu dambeeyay ka socday bannaanbaxyo ay  dadweynaha kaga soo horjeedaan qiimaha rootiga iyo shidaalka oo sare u  kacay, Waxaana dibadbaxa ku dhintay tiro dad ah.

 Xigasho BBC