4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Dec 24, 2018
Camey: Aniga iyo Madaxweyne Cabdiweli intii aan xukunka haynay waxaan sameynay dayacaad amni, waa in aan cafis dalbano

Isniin, December, 24, 2018 (HOL)- Madaxweyne ku-xigeenka Puntland, Cabdixakiin Xaaji Cumar Camey ayaa sheegay maamulkii uu shanta sanno la shaqeynayay inuu sameeyay dayacaad amni, isagoo soo jeediyay in la joogo waqtigii shacabka ay waydiisan lahaayeen cafis.

Camey ayaa ku weerarray madaxweynaha xilka haya ee Cabdiweli Gaas iyo maamulkii uu hoggaaminayay inay waxbadan ku fashilmeen , isagoo si gaar ah carabka ugu dhuftay amniga, cadaaladda iyo siyaasadda.Waxa uu si cad u qiray in dayacaad dhinaca maamulka ka timid ay salka ku hayso in kooxda al-Shabaab iyo Daacish ay ku xoogeystaan deegaannada Puntland, gaar ahaan gobolka Bari oo ay saldhigyo ku leeyihiin.

Madaxweyne ku-xigeenka Puntland , waxaa kalo u sheegay inay jiraan maxaabiis ka tirsanaa al-Shabaab kuwaasi oo dagaal lagu soo qabtay xabsiyadda uu ka sii daayay madaxweyne Cabdiweli Gaas, waxa uu xusay in dhowr kale oo wali xabsiyadda ku jira inay yihiin kuwa kaliya ee sugaya in lagu fuliyo xukun dil toogasho ah , uuna hortaagan yahay sida u sheegay madaxweyne Gaas.

"Shacabka Puntland, ayaa looga baahanyahay inay raadiyaan sababta dil toogasho loogu fulin waayay". ayuu yiri Camey oo dhanka kale beeniyay inay jiraan xiriir gaar ah oo kala dhaxeeya dowladda federaalka.

Madaxweyne ku-xigeenka Puntland, oo Axaddii munaasabad ka dhacday Garoowe ku shaaciyay inuu u sharraxanyahay mar kale xilka uu hayo, ayaa dhanka kale sheegay Puntland ,dhaqaalo , amni iyo siyaasad ahaanba inaysan u muuqan maamul 20 sanno jirsaday, wuxuuna marka ku weerarray madaxweynaha xilka haya inuu danihiisa gaarka ah ka hormariyay midda Puntland.

Camey iyo Cabdiweli Gaas waxaa ay u sharraxyihiin mar kale xilalkii ay horay u hayeen, iyadoo doorashada madaxweynaha iyo kuxigeenkiisa ay ka dhimantahay wax ka yar saddex toddobaad.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]