4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Dec 24, 2018
Sawirro:-Ra’iisul wasaare Kheyre oo kormeeray Tiyaatarka Qaranka oo maalin ka hor Qarax lagu weeraray


Isniin, December, 24, 2018 (HOL)-Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa kormeeray Golaha Murtida iyo madadaalada Qaranka oo ay ka socdaan howlo dib u dhis ah ka dib weerarkii maalin ka hor lagu qaaday.

Shaqaalaha wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya ayaa ku sugnaa Tiyaatarka xilligii uu Ra’iisul waasraha uu tagayay, waxaa ayna ka wadeen shaqa maalmeedka Is-xilqaan oo ay ku qornaayeen.

Ujeedka ka dambeeya kormeerka Kheyre uu ku tagay Golaha Murtida iyo madadaalada Qaranka ayaa lagu sheegay in ay tahay u kuurgalida howsha is-xilqaan iyo siday u socoto.

Abwaan Cismaan Cabdullaahi Guure Maareeyaha Tiyaatarka Qaranka iyo Injineerada wax ka dhisaya xarunta Golaha Murtida iyo madadaalada Qaranka ayaa si kooban warbixin u siiyay Ra’iisul wasaaraha.

Dad badan oo isugu jiray Askar, Shaqaalaha Dowladda, Madax, iyo shacab ayaa waxyyeello isugu jirta dhimasho iyo dhaawac ay ka soo gaartay weerarkii ka dhacay isgoyska Tiyaatarka Qaranka oo ay ku taallo bar koontarool oo ay lee yihiin ciidamada ilaalada madaxtooyada.

Nurre Mohamed Ali ,Hiiraan Online
[email protected]