Ra’iisal wasaare Kheyre oo xalay booqday dadkii ku dhaawacmay Qaraxyadii Muqdisho
Axad, December, 23, 2018 (HOL)- Ra’iisal
wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xassan Cali Khayre oo ay wehliyaan
mas’uuliyiin kale ayaa xalay saqdii dhexe wuxuu booqday qaar kamid ah
isbitaaladii la dhigay dadkii ku dhaawacmay qaraxyadii kooxaha argagixisadu ay
shalay ku laayeen dadka shacabka ah.
Khayre ayaa dhaawacyadaasi ku booqday Isbitaalada
Madiina iyo Ex-Digfeer oo la dhigay dadka ugu badan,wuxuuna u kuur-galay
xaaladoodi caafimaad.
Ra’iisaul wasaaraha ayaa bukaanada si toos ah ula
wadaagayay dareenkiisa,isagoo mid mid u xog wareysanayay, halka kuwa aan
xaaladoodi ka sheekeyn karina uu ka xog wareysanayay eheladooda iyo
dhaqaatiirka isbitaaladaasi.
Wuxuu Alle uga baryay in uu caafimaad siiyo
dhaawacyada,isagoo umadda Soomaaliyeedna uga tacsiyadeeyey dadkii kale oo ku
dhintay qaraxyadaasi.
Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Gargaarka iyo
Maareynta musiibooyinka xukuumadda Soomaaliya C/rashiid Maxamuud oo kab mid ahaa
mas’uuliyiintii wehlisay ra'iisal wasaaraha ayaa ka hadlay kormeerkoda iyo
waxyaabihii ay la kulmeen.
“Waxaan soo marnay isbitaalada Madiina iyo Digfer
marka shacabka waxaaan u sheegayna in ra'iisul wasaaraha uu u taagan yahay in uu
u shaqeeyo shacabka, waxaa taasi daliil u ah in xili dambe oo habeen ah uu socdo
oo idinka warqabo,yaan la niyad jebin dalka wuu hagaagidoonaa,waan ka adkaan
doonaa kooxahaasi,gacmo wdajir bay wax ku gooyaan ha la isku duubnaado,marka
Soomaaliya waxaan u rajeynayaa guul iyo gobanimo.
Labo qarax oo loo adeeg-saday gawaari ayaa shalay
Al-shabaab waxaa ay ku qaadeen magaalada Muqdisho, waxaana qaraxyadaa ku dhintay dad ka badan 27 ruux.
C/raxmaan Diini, Hiiraan
Online
[email protected]