4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Dec 22, 2018
Dowladda oo sheegtay in ay qabatay Qofkii hagayay Qaraxyadii maanta ka dhacay Muqdisho

 

Sabti, December, 22, 2018 (HOL)-Hay'adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Soomaaliya ee NISA ayaa sheegtay in ay gacanta ku soo dhigeen qofkii haggaha ka ahaaweeraradii qaraxyada ahaa ee Muqdisho ka dhacay maanta.

NISA ayaa xustay ruuxa la qabtay uu ahaa hogaamiyihii howlgalka qaraxyada Alshabab ay geysteen iyo wadahii  gaarigii danbe ee ku qarxay Taalada Daljirka daahsoon ee muqdisho.

Macluumaadka Nabad sugida oo aad u koobnaa awgood Magacyada ragga la qabtay iyo sawiradooda midna ma aysan sheegin NISA. 

 

Nurre Mohamed Ali ,Hiiraan Online
[email protected]