4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Dec 21, 2018
Warar dheeraad ah oo ku saabsan duqeymo lagu dilay xubno ka tirsan Al-shabaab

 

Jimco, December, 21, 2018 (HOL)- Taliska Militariga Mareykanka ayaa war uu soo saaray kaga hadlya duqeymo lagu beegsaday dagaalyahanno ka tirsan Alshabaab oo dhawaan ka dhacay qeybo kamid ah gobolka Shabeelada Hoose.

Wakaaladad Wararka Mareykanka (AP) oo soo xiganaysa qoraal ka soo baxay Africom ayaa sheegaysa in duqeyn ka dhacday nawaaxiga deegaanka Beledul-Amiin ee Shabeelada Hoose, taasi oo jawaab u ahayd isku day ay doonayeen Al-shabaab in ay weerar ku geystaan.

Waxaa duqeyntaasi oo dhacday Arbacadii la soo dhaafay lagu dilay in ka badan 10 dagaalyahan oo ka tirsanaa Al-shabaab, mana jiraan wax khasaare ah oo soo gaaray ciidanka Kumaandooska Soomaaliya iyo saaxiibadooda caalamiga ah.

Bilihii ugu dambeeyey waxaa sii kordhayay duqeymaha iyo howlgalada tooska ah oo lagu beegsanayo goobaha ay ku dhuumaalaysanayaan Al-shabaab.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]