4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Dec 21, 2018
Ra’iisal Wasaare Kheyre oo hambalyo u diray madaxweynaha cusub ee Koonfur Galbeed

 

Jimco, December, 21, 2018 (HOL)- Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Khayre, ayaa u hambalyeeyey Madaxweynaha cusub ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen oo ku guuleystay doorashadii ka qabsoontay Koonfur Galbeed.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa u rajeeyey shacabka iyo Maamulka Koonfur Galbeed isbadal miro-dhal ah oo horseeda xasillooni buuxda iyo horumar ay si wada jir ah ugu tallaabsadaan bulshada iyo dhammaan deegaannada Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed.

“Waxa aan Madaxweynaha cusub ee Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed ugu hambalyeynayaa xilka loo doortay, anigoo xasuusinaya in himilada shacabka Koonfur Galbeed ay tahay in deegaannadooda ay ku helaan amni iyo nolol wanaagsan.”

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa faray hay’adaha heer Federaal in ay dardar geliyaan qorsheyaasha xal u helista caqabadaha nololeed iyo amni ee ka jira dhammaan deegaannada Koonfur Galbeed.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku bogaadiyey Musharaxiintii xilka Madaxtinnimo, Guddiga Doorashada iyo Xildhibaannada Koonfur Galbeed dadaalkii ay geliyeen sidii loo sii amba qaadi lahaa hannaanka dimuqraadiyadda ee Koonfur Galbeed.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]