4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Dec 20, 2018
Odayaal soo qabtay laba qof oo nin ku dilay deegaanka Dararweyne ee gobolka Sanaag

 

Khamiis, December, 20, 2018 (HOL)- Odayaasha deegaanka Ceel afweyn ayaa gacanta dawladda ku soo wareejiyey laba qof oo ku eedeysan gacan ku dhiigle deegaanka Dararweyne qof socota ah ku dilay, taas oo muddo laga sugayey inay odayaashu soo qabtaan dambiileyaashaasi.

Labadan qof ee ku eedeysan gacan ku dhiiglaha ayaa magacyadooda la kala yidhaahdaa Cabdirisaaq Cawild Ducaale iyo Axmed cabdi Cawad cabdulle, waxaana lagu wareejiyey dawladda, iyagoo ay goob joog ka ahaayeen odayaashii marxuumkii ay hore u dileen ka soo jeeday.

Odayaal u hadlayey marxuumkii hore loo dilay ayaa sheegay labadaasi gacan ku dhiigle lagu soo wareejiyey dawladda, isla markaana ay uga mahad celinayaan odayaashii ka hawlgalay soo qabashada dambiileyaashaasi dilka gaystay.

Sidoo kale, odayaasha soo qabtay labadan gacan ku dhiigle ayaa cadeeyey inay gacanta dawladda ku soo wareejiyaan oo sharciga la hor geyn doonno.

Dilkan ayaa ka dhacay deegaanka Dararweyne, waxaana marxuumka la dilay la odhan jirey Saleebaan Xuseen Maxamed, waxaana dilkaasi dhacay bishiii 5/11/2018, taas oo muddo lagu daba jiray soo qabashada ka dib markii lagu heshiiyey in qofkii qof dilla ay soo qabtaan odayaashiisu, halka beeshan hadda loo soo qabtay ay iyaguna nin xaaskiisii dilay soo qabteen ka dibna lagu wareejiyey gacanta dawladda.

Badhasaabka gobolka Sanaag Maxamed Axmed Tiimbiro ayaa u mahadnaqay odayaashii mudadda ku jiray soo qabashada dambiileyaasha,isla markaana sheegay in qof kasta oo qof dila sidaas loo soo qaban doono si aanu dambiilihii dambiga gaystay aanu reer u noqon ee uu shakhsi u noqdo.

“Waxaan cadaynaya sida odayaashu sheegeen dhacdaddii u dambaysay ee ka dhacday Dararweyne bishii 11aad shanteedii,2018  ee lagu dilay marxuum Saleebaan Xuseen Maxamuud inay nagu soo wareejiyeen labadaasi gacan ku dhiigle ku eedeysan oo ay hada ku jiraan gacanta dawlada”ayuu yidhi taliyaha qaybta booliska ee gobolka Sanaag.

 

Deegaanka Dararweyne ee gobolka Sanaag ayaa waxa ka dhici jirey dagaalo beeleed soo noqnoqday, taas oo ka dhalan jirey dad kala aargoosanayey oo marka qof la dilaba,isla markiiba beeshii qofka la dilay intay soo duulaan kuwo wax dilay beeshooda dad ka soo layn jirey, haseyeeshee waxa hadda lagu heshiiyey in wixii hore lskaga dilay magta la bixiyo, qofkii dambe oo qof dilla ay odayaashiisu soo qaban doonaan si sharciga loo horgeeyo, taasina waxay keentay in deegaankii nabadi ka hirgasho.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online

[email protected]

Hargeysa, Somaliland.