4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Dec 19, 2018
Wasiirka Waxbarashadda Soomaaliya oo Xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka cusub ee dawladda Suudaan

Arbaco, December, 19, 2018 (HOL)- Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ,Cabadullaahi Goodax Bare ayaa maanta ku soo dhaweeyay  Xafiiskiisa Safiirka Cusub ee dawladda Suudaan u fadhiya Soomaaliya Danjire Khalafallaah Mustafa Baabikir, waxa ay kawada hadleen xiiriirka soo jireenka ah ee ka dhaxeeyo labada dal.

Safiirka Dawladda Suudaan ayaa soo dhaweyay horumarka ay Wasaaraddu ka samaysay dhanka horumarinta manaahijta iyo Imtixaanaadka iyo sidoo kale  guud ahaan waxbarashada dalka.

‘’Waxaan soo dhaweynayaa horumarka Dawladda Soomaaliya ay ka gaartay dhanka waxbarashada Dawladda Suudaan waxa ay diyaar u tahay markasta in ay caawiso ardayda Soomaaliyeed iyo in aan kordhino Deeqaha waxbarasho oo ay helaan ardayda Soomaaliyeed, sidaasi waxaa yiri Safiirka cusub ee Soomaaliya u fadhiya sudaan Khalafallaah Mustafa Baabikir.

Wasiirka Wasaaradda waxbarashada Hiddaha iyo tacliinta sare XFS Mudane Cabdullaahi Goodax Bare ayaa boggaadiyay Xiriirka soo jireenka ah ee ka dhaxeeyo Suudaan iyo Soomaaliya.

‘’ Waxaan maanta xafiiskeyga ku soo dhaweyay Safiirka Cusub ee Dawladda Suudaan u fadhiya Soomaaliya Khallafalaah Mustafa Baabikir,waxaan kawada hadalnay xoojinta xiriirka soo jireenka ah ee labada dal, iyaddoo aan ognahay in ku dhawaad 7000 oo arday Soomaaliyeed ay wax ku bartaan dalka Suudaan iyo siddii Ardayda Soomaaliyeed ee sanadkaan Suudaan Waxbarashada ka helay loogu fududeyn lahaa hawlahooda”

“Waxaa kale oo aan kawada hadalnay in dib loo soo celiyo xiriirka dhanka Hiddaha iyo dhaqanka si fanaaniinta suudaaniyiinta ah ay u yimaadaan Soomaaliya siddii beri samaadkii oo kale, Kan Wasaarad ahaan Waxaa naga go’an in ardayda Soomaaliyeed ay gaaraan hamigooda ah in ay Waxbartaan” ayuu yiri Wasiir Goodax.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]