4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Dec 19, 2018
Ciidamada Booliska Soomaaliyeed ayaa isu diyaarinaya xuska markii la Aas aasay oo 75 sano ka soo wareegtay

Arbaco, December, 19, 2018 (HOL)- Diyaar garowgii ugu dambeeyay oo ku aadan xuska aas-aaska Booliska Soomaaliyeed  ayay wadaan qeybaha kala duwan ee ciidamada Booliska oo xiligan laga joogo 75 sano.

Waddooyinka qaar ee Muqdisho ayaa u xiray diyaar garowga Ciidamada Booliska Soomaaliyeed ay ku sameynayaan degmada C/Casiis ee Gobolka Banaadir.

Bishii December 20-keedii Sanadkii 1943-kii ayay aheyd markii ugu horeysay oo la dhisay Ciidamo Boolis Soomaaliyeed, Xiligaas oo dalka uu gacanta ugu jiray gumeystayaashii reer Yurub.

Dhinaca kale waxaa aad loo adkeeyay ammaanka wadooyinka ku dhaw aaga munaasabadda la filaayo in ay ka dhacdo maalinta berry ah oo ay ku began tahay 20-ka December.

Ciidamo isugu jira Booliska Soomaaliya iyo kuwa Amisom ayaa baaraya gaadiidka sida gaarka ah loo leeyahay iyo dadka, Waxaana baaritaanadaasi ka qeyb qaadanayo qaar ka mid ah Eeyo loo carbiyay ka shaqeynta dhinaca ammaanka.

Diyaar garowga munaasabad ayaa u muuqata mid wax badan uga badalnaan doonto munaasabadihii hore ee Booliska Soomaaliyeed.

Nurre Mohamed Ali , Hiiraan Online
[email protected]