4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Dec 19, 2018
Wafdi ka socda dowladda Federaalka oo gaaray hoolka doorashada madaxweynaha Koonfur Galbeed

 

Arbaco, December, 19, 2018 (HOL)- Wafdi ka tirsa dowladda federaalka Soomaaliya oo uu horkacyo Wasiirka Arrimaha Gudaha Cabdi Maxamed Sabriye ayaa goor dhaw gaaray hool doorashada madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Xildhibaannada Baarlamaanka maamulka Koonfur Galbeed ayaa la filiyaa in ay dhawaan bilaabaan codeynta doorashada madaxweynaha oo ay ku tartamayaan ilaa Shan musharax oo ay kala saari doonaan saacadaha soo socda xildhibaannada codeynaya.

Ammaanka guud ee magaalada Baydhabo ayaa si aad ah loo adkeeyay, iyadoo magaalada wax dhaq dhaqaaq ka socon, waxaa isha lagu hayaa doorashada saaka dhaceysa.

Doorashada Koonfur Galbeed ayaa ah mid siweyn isha loogu wada hayo oo xasaasi ah, madaama ay muran badan ka dhax dhalisay madaxda ugu sareysa dalka, kaddib markii xabsiga la dhigay Mukhtaar Rooboow Cali Abuu Mansuur oo ka mid ahaa musharixiinta loogu hadal heynta badnaa doorashadan maanta dhaceysa.

Mar walba wixii warar ah ee ka soo kordha doorashada kala soco Hiiraan Online..

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]