4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Dec 19, 2018
Isbadal lagu sameeyay hogaanka ciidamada Uganda ee AMISOM

 

Arbaco, December, 19, 2018 (HOL)-Uganda ayaa isbeddel ku sameysay hoggaanka Ciiidamada ka jooga Soomaaliya ee Howlgalka AMISOM qeybta ka ah.

Taliyaha qeybta 5aad ee Ciidanka Difaaca waqooyi Uganda Brig Michael Kabango ayaa loo magacaabay Taliyaha cusub ee Ciidanka Uganda ka jooga Soomaaliya in uu noqdo.

Kabango waxaa uu xilka kala wareegayaa general Paul Lokech oo Sanad ka hor xilkaasi Muhanga Kayanja kala wareegay.

Brig Richard Karemire Afhayeenka ciidanka difaaca Uganda ayaa xaqiijiyay arrinkaan ka dib wareysi khadka telefoonka uu ku siiyay Talaadadii majaladda Daily Monitor ee Uganda ka soo baxda.

Wuxuu sheegay in Brig Kabango bishaan loo magacaabay xilkaasi uu ka qabanaayo Soomaaliya ciidamadooda jooga.

"Wuxuu yahay askari aad ay u wanaagsan tahay xirfadiisa ciidannimo, aad iyo aadna ugu adag shaqadiisa," ayuu yiri Brig Karemire.

Ergeyda Ciidanka Uganda ee Soomaaliya ayuu horay u ahaa Taliyan cusub ee magacaaban isaga oo sidoo kale ahaa Taliyaha qeybta 5aad ee Ciidamada Difaaca waqooyi ee Uganda sida ay tilmaamayaan wararka.

Uganda ayaa u mahad celisay taliyihii hore ee Ciidanka Uganda ee Soomaaliya Jeneraal Lokech, oo ay ku tilmaantay in uu ahaa nin shaqo fiican qabtay.

Waxaa la xaqiijiyay in Taliyaha cusub uu soo gaaray Magaalada Muqdisho, isagoo dhawaan xilka kula wareegi doono Sarkaalka uu badalayo.

Dowladda Uganda ayaa ah dalka ay Ciidamada ugu badan ka joogaan Soomaaliya, kuwaasi oo qeyb ka ah howlka Amisom qeybihiisa kala duwan, Uganda inka badan lix kun oo askari ayaa ka joogta Soomaaliya

 Nurre Mohamed Ali ,Hiiraan Online
[email protected]