4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Dec 18, 2018
Madaxweyne Biixi oo la kulmay madaxda guddida caalamig ah ee laanqeyrta cas

 

Talaado, December, 18, 2018 (HOL)- Madaxweyne Muuse Biixi ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabiley wefti uu hogaaminayo madaxa Guddiga caalamiga ah ee Laanqeyrta Cas (ICRC) Mr. Simon Brooks.

Kulankan uu madaxweynuhu la qaatay weftiga, ayaa lagaga wada hadlay sidii loo xoojin lahaa xidhiidhka wada-shaqayneed ee ka dhexeeya Somaliland iyo Guddida caalamiga ah ee Laanqeyrta Cas (ICRC) looguna diyaar garoobi lahaa qorshaha sannadka 2019-ka, oo ay ICRC xoogga ku saari doonto adeegyada aas-aasiga ah iyo gurmadka deg-degaa, iyadoo la kaashanaysa Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Somaliland.

Kulankan waxa madaxweynaha ku wehelinayey Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka, Dr. Xasan Ismaaciil Yuusuf, halka dhinaca weftigana ay weheliyeen Madaxa laanqayrta cas, masuuliyiin ka socday ICRC oo uu ka mid ahaa Wakiilka u qaabilsan Xafiiska ay Somaliland ku leedahay Laanqayrta cas Mr. David McMullen.

Dhinaca kale, golaha Wasiiradda Somaliland waxay meel mariyeen miisaaniyadii sanadka 2019 ka oo la sheegay inay ka badan tahay miisaaniyadii sanadkii hore 8%.

Odoroska miisaaniyad-sannadeedka 2019-ka ee ay maanta ansixiyeen xubnaha golaha wasiirrada Somaliland oo ah miisaaniyadii 27-aad ee qaranku yeesho, ayaa ka kooban miisaaniyadda guud ee dawladda dhexe, hay’adaha madaxa bannaan, Dawladaha hoose iyo sanduuqa horumarinta Somaliland ee SDF, iyadoo dhan, 2,334,320,463, 251 (Laba tiriliyan, saddex boqol Afar iyo soddon Bilyan, saddex boqol iyo labaatan milyan, Afar boqol iyo saddex iyo lixdan kun, laba boqol iyo kow iyo konton) Somaliland shilling. Miisaaniyad sannadeedka 2019-ku waxay diiradda saaraysaa, Amniga, Xoojinta iyo tayeynta garsoorka, Waxbarashada, Biyaha, Caafimaadka, Xoolaha kalluunka, Beeraha, Tamarta iyo Macdanta, Deegaanka, Aqoonsi-raadinta, Doorashooyinka, iyo daryeelka shaqaalaha.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online

[email protected]

Hargeysa, Somaliland