Xisbiyadda mucaaradka iyo xukuumadda Somaliland oo qodobo ay ku heshiiyeen soo saaray
Isniin, December, 17, 2018 (HOL)-
Xukuumadda iyo
xisbiyada mucaaradka ayaa xalay isku afgartay wakhtiga doorashooyinka golaha
Wakiilada iyo Deegaanku dhici doonaan oo wakhtigii hore loo qorsheeyey dib u
dhac ku yimid.
Madaxweyne Muuse Biixi oo uu wehelinayo
madaxweyne ku xigeenkiisa C/raxmaan Saylici ayaa xalay kulan la qaatay
hoggaanka axsaabta qaranka, madaxweyne ku xigeenadii hore, siyaasiyiin iyo
madaxda ururrada bulshada rayidka ah.
Kulankan uu madaxweynuhu isugu yeedhay axsaabta
qaranka, madaxweyne ku xigeenadii hore iyo ururrada Bulshada rayidka ah, ayaa
ujeedadiisu ahayd sidii wada-jir loogu wajahi lahaa arrimaha ku gedaaman
qabsoomidda doorashooyinka goleyaasha wakiillada iyo deegaanka, waxana ay
hoggaanka axsaabta qaranku muujiyeen muhiimadda ay leedahay qabsoomidda
doorashooyinku si loo xaqiijiyo geeddi-socodka Dimuqaariyadda Somaliland iyo in
meesha laga saaro caqabadaha hortaagan qabsoomidda doorashooyinkaas, isla
markaana lagu diyaarin lahaa jawi ay doorashooyinku ku qabsoomi karaan.
Ugu dambayntii waxa ay hoggaanka saddexda xisbi
ee UCID, KULMIYE iyo WADDANI wada jir u go’aamiyeen qodobbadan hoos ku qoran:
1. In doorashada goleyaasha wakiillada iyo
deegaanku ku qabsoonto dhammaadka sannadka 2019-ka.
2. In si wada-jir ah ay uga wada-hawl galaan
xallinta iyo dhammaystirka wax kasta oo ku xidhan qabsoomidda doorashada.
3. In si niyadsami ah loo sii wado wada-tashiga
iyo wada-hadallada saddexda guddi ee xisbiyada qaranka.
4. In wixii caqabad ah ee soo kordha laga
wada-tashado.
Is afgaradkan ay iskugu yimaadeen xisbiyada
mucaaradka ah iyo xukuumadda waxa ka dambeeyey guddi isku xil saartay xalinta
khilaafaadka ay sababeen dib u dhaca ku yimid doorashooyinkii la filayey,
waxaana guddidaasi hor kacayey madaxweyne ku xigeenadii hore ee Somaliland soo
maray oo maalmihii u dambeeyey iskaga dab qaadayey madaxda xisbiyada iyo
madaxweynaha.
Xisbiyda mucaaradka ayaa ka walaacsanaa in dib u
dhacaasi doorashadda ay keento in muddo laba sanno ah la kordhiyo maadaama oo
looga bartay Somaliland hadii doorashadu dib u dhacdo ugu yaraan laba sanno loo
kordhiyo goleyaasha jira, haseyeeshee inta aanay golaha Guurtidu kordhin ayaa
la isku afgartay inay doorashaddu qabsoonto dhamaadka sanadka 2019-ka,
halka markii hore ka dhici lahayd doorashaddu bisha March,2019-ka oo
billo kooban uun dib u dhacaysa.
Barkhad-ladiif
M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa,
Somaliland.