4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Dec 16, 2018
Maalmo Khilaaf ah kaddib guddoomiyaha Golaha Shacabka iyo ku-xigeennadiisa oo kulan ku leh Muqdisho

 

Axad, December, 16, 2018 (HOL)-Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo labdiisa ku xigeen ayaa la ogaaday in ay ku kulan uu ku dhex maraayo hoteelka Paradise oo Muqdisho ku yaalla.

Kulanka oo ah mid ay albaabada u xiranyihiin ayaa la sheegayaa in ay qayb ka yihiin xildhibaanno u kala deb qaadaya labada dhinac iyo sidoo kale hab-dhowrka baarlamaanka ayaa isagana ka mid ah xubnaha shirkaasi ku jira.

Wararka qaar ayaa sheegaya in kulanka looga hadlayo sidii loo xallin lahaa xiisadii ka dhalatay mooshinkii qaar ka mid ah xubnaha Golaha ay ka gudbiyeen Madaxweyne Farmaajo kaasi oo guddoomiye Mursal uu qabtay.

Kulankaan ayaa imanaya xilli ay kala qeybsameen xubnaha Golaha shacabka ka dib mooshinkaasi sababta u noqday in uu sii socon waayo howshii Golaha,

Xildhibaanno badan oo Muqdisho ku shiray ayaa guddoonka golaha waxaa ay ka codsanayaan in dib loogu furo golaha shacabka si ay u gutaan waajibkooda dastuuriga ah.

Nurre Mohamed Ali ,Hiiraan Online
[email protected]