Xukuumadda Soomaaliya oo markii ugu horeysay ka hadashay Mooshinka ka dhanka ah madaxweynaha
Khamiis, December, 13, 2018
(HOL)- Xukuumadda Soomaaliya ayaa markii
ugu horeysay ka hadashay mooshinka xil ka qaadista oo madaxweynaha Soomaaliya
ay ka gudbiyeen xildhibaanno ka tirsan Golaha Shacabka.
Ra’iisal wasaare Ku-xigeenka
dalka Mahadi Maxamed Guulleed Khadar ayaa sheegay in mooshinkaasi uu jabay sida
uu horeyba u sheegay xoghayaha guud ee Golaha Shacabka Cabdikariin Xaaji Cabdi
Buux.
‘’In madaxweynaha mooshi laga
keenno xil ka qaadis ah waa arin u baahan baaritaan qoto dheer oo dhinacyo
badan oo laga yaabo in ay sanad socoto wax sahlan ma’aha ayuu yiri ra’iisal
wasaare ku-xigeenka dalka.
Wuxuu sheegay in marka cadeymahaa
oo dhan la helo madaxweynuhu xaq u leeyahay in uu iska difaaco eedeymaha loo
soo jeediyay, laakiin waxaa uu meesha ka saaray in uu jiro mooshin sharci ah oo hadda Golaha ka
yaala madaxweynaha Soomaaliya.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka
Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan oo maalintii shalay qoraal soo saaray ayaa
sheegay in uu qabtay mooshin ay madaxweynaha ka keeneen 92 xildhibaan oo ka
tirsan Golaha Shacabka lana waafajin doono sida uu hadalka u dhigay sharciga
iyo xeer hoosaadka u yaala Baarlamaanka Soomaaliya.
C/raxmaan Diini, Hiiraan
Online
[email protected]