4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Dec 11, 2018
Madaxweyne Farmaajo oo soo dhaweeyay warbixinta hay’adda IMF

Talaado, December, 11, 2018 (HOL)-  Madaxweynaha  Soomaaliya,Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa soo dhaweeyay warbixin ay soo saartay hay’adda lacagta adduunka(IMF), taasoo lagu sheegay in Soomaaliya ay ku socoto waddadii horumarka.

Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in si run ah ay uga go’an tahay in Soomaaliya ay horay u sii socoto, isagoo soo dhaweeyay warbixinta IMF ee la xiriirta barnaamijka Deyn Cafinta Soomaaliya (SMP3), wuxuuna intaa ku daray in tani ay calaamad u tahay go’aanada iyo dadaalada  mira dhalka ah ee Soomaaliya ay ku talaabsatay muddadii koobneyd.

Mudane Farmaajo, ayaa sidoo kale sheegay in dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka sii shaqeyn doonto dadaalka ay ugu jirto hagaajinta hanaanka maaliyeed ee  dalka si bulshada loo gaarsiiyo guulo horumarineed.

Warbixinta ay soo saartay hay’adda lacagta adduunka (IMF) oo lagu daabacay boggeeda rasmiga ah, ayay ku sheegtay Soomaaliya iyo hay’adda ay si wada jir ah u  gaaareen heshiis looga gudbayo dib u eegistii koowaad ee wajiga saddexaad ee kooxda la socodka barnaamijka deyn Cafinta Soomaaliya, islamarkaana waxay boggaadisay dowlada Soomaaliya oo ku guuleystay kobaca dhaqaale iyo hanaanka maamul wanaaga iyo isla xisaabtanka.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]