4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Dec 11, 2018
Xidhibaannadii mooshinka waday oo baaq u diray madaxweyne Farmaajo

Talaado, December, 11, 2018 (HOL)- Xildhibaannada mooshinka ka keenay madaxweynaha dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa kulan ay maanta ku yeesheen xarunta Villa Hargeysa ayaa baaq u diray madaxweynaha.

Xildhibaannada oo waxba kama jiraan ku tilmaamay hadalkii xoghayaha guud ee Baarlamaanka oo maanta sheegay inuu mooshinkii buray ayaa madaxweynaha ugu baaqay inuu u hoggaansamo dastuurka.

Baaqa ay soo saareen Xildhibaanada ayaa sidan u qornaa;

1. Inuu u hoggaansamo dastuurka Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya iyo shuruucda kale ee dalka u yaalla.

2. Inta mooshinka xilka-qaadista ee xildhibaanadu soo gudbiyeen Barlamaanku uga codaynayaan in uusan sameyn karin qodobada soo socda:

a) In wax heshiis ah uusan geli karin.

b) In uusan qofna magacaabi karin xilna ka qaadi karin.

c) In uusan dalka ka bixi karin inta dacwadaadu dhinac uga dhacayso.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]