4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Aug 9 , 2018
Shirkii golaha wasiirada Somaliland oo looga hadlay wax soo saarka Beeraha

 

Khamiis, August, 09, 2018 (HOL)- Shirkii golaha Wasiiradda Somaliland ayaa maanta lagaga hadlay wax-soo-saarka Beeraha,waxaana la sheegay in la doonayo sidii  dalku isku filnaansho  uga gaadhi lahaa wax soo saarka dalagyada kala duwan ee Beeraha.

Shirkan waxa shirgudoominayey madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, oo uu wehelinaayey Madaxweyne ku xigeenka Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), waxaaana la sheegay in diiradda lagu saaray wax soo saarka beeraha.

“Tan iyo intii ay xukuumaddu talada dalka la wareegtay waxay ku hawlanayd sidii looga midho dhalin lahaa wax soo saarka beeraha, qarankuna u gaadhi lahaa isku filaansho dhinaca wax soo saarka dalagyada kala duwan ah, looguna dhiirrigelin lahaa bulshada Somaliland inay iskaashi ka sameeyaan dhanka wax soo saarka beeraha.”ayaa lagu yidhi war-saxaafadeed uu ku saxeexan yahay afhayeenka madaxweynaha Maxamuud Warsame Jaamac

Afhayeenku wuxu sheegay in hore looga hirgaliyey oo si fiican u socda Banka Wajaale, halka mashruucii labaadna laga hirgaliyey Banka Xaaxi ee gobolka Oodweyne kaasi oo noqonaya 900 oo higter in wax laga beero. Sidoo kale, xukuumaddu waxay sheegtay in gacan siinaysa beeralayda reer Somaliland, taas oo ay ka caawisay 9,000 oo qoys, qodaal saddex saacadood ah oo lacag la’aan ah, si loogu jiheeyo wax soo saarka dalka, shacbi iyo xukuumadna laysaga kaashado isku filaanshaha wax soo saar ee qaranka.

Barkhad-ladiif  M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland.