4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Aug 9 , 2018
Ra’iisal wasaare Kheyre oo shaqo joojin ku sameeyay Wasiir ku-xigeenkii Wasaaradda Arrimaha dibedda

 

Khamiis, August, 09, 2018 (HOL)- Wareegto ka soo baxday xafiiska ra’iisal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xassan Cali Kheyre ayaa shaqadii looga joojiyay wasiir ku-xigeenkii wasaaradda arrimaha dibedda Mukhtaar Mahad Daa’uud.

Wareegtada ra’iisal wasaaraha oo uu warbaahinta u akhriyay agaasimaha wasaarrada War-faafinta xukuumadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaalla ayaa timid kaddib marun xoogan oo uu soo kala dhax-galay hanti-dhowrka guud iyo wasiir ku-xigeenka oo lagu eedeeyay musuq-maasuq iyo lunse hanti dad-weyne.

Ra’iisal wasaare Kheyre ayaa ku micneeyay tallaabada uu shaqada uga joojiyay wasiir ku-xigeenka in loo madax-bannaaneeyo hay’addaha sharciga howlahooda shaqo ee la xiriira baaritan kiiska wasiir ku-xigeenka.

Dhawaan ayeey aheyd markii ay ciidamo loo diray in ay soo qabtaan wasiir ku-xigeenka ay is hortaag ku sameeyeen ciidamo kale oo ku sugnaa xarunta wasaaradda arrimaha dibedda, waxaana markii danbe arinta soo fara-galiyay saraakiisha hay’addaha amniga oo dib u celiyay ciidamadii u socday in xiraan wasiir ku-xigeenka.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]