3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Aug 9 , 2018
Guddoomiyaha Bankiga dhexe ee Soomaaliya oo noqon kara qof Ajnabi ah

 

Khamiis, August, 09, 2018 (HOL)- Xukuumadda Soomaaliya ayaa raadineysa guddoomiye cusub oo uu yeesho Bankiga dhexe ee Soomaaliya, kaddib xayiiysiin ku soo baxday Wargeyska todobaadlaha ah ee ka faalooda arrimaha dhaqaalaha iyo ganacsiga ee The Economist.

Guddoomiyaha xiligan ee Bankiga dhexe Bashiir Ciise ayaa la filayaa in bisha November uu ka baxo shaqada Bankiga, taasoo keentay xukuumadu soo bandhigto xayiiysiinta loogu tartamayo gudoomiyaha Bankiga.

Wasiirka Maaliyada xukuumadda Soomaaliya Dr Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya raadineyso qof ku haboon shaqadan isaga oo yiri’’ Waxaan rabnaa in aan qorano qof ku haboon shaqadan, haddii ay yihiin Soomaali ama aan Soomaali ahayn [Anjabi]" ayuu yiri Wasiirka

 

‘’Dawladdee-nu waxay ku boorineysaa dhammaan musharraxiinta u qalma in ay codsadaan Jagadan, guddoomiyaha ku guuleysta ayaa gacan ka gaysan doona isbedelka mustaqbalka Soomaaliya’’ ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Laakiin haddana dhinaca kale marka la eego hadalka ka soo yeeray Wasiirka ayaa u muuqda mid baal-marsan dastuurka dalka oo qodobkiisa 12aad uu dhigayo in xilka gudoonka Bankiga dhexe uu qaban karo oo kaliya qof Soomaali ah.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]













Click here
8/9/2018 3:34 PM EST
Khamiis, August, 09, 2018 (HOL)- Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdirixmaan Cumar Cusmaan (Eng.Yarisow) oo kulan la qaatay Guddoomiyaha Hay’adda Gaadiidka Gurmadka Caafimaadka ee Aamin Ambalaas Dr. Cabdiqaadir Cabdiraxmaan Xaaji ayaa kala hadlay sidii loo joogteyn lahaa adeegyada caafimaad ee hay’addan.

8/9/2018 2:35 PM EST
Khamiis, August, 09, 2018 (HOL)- Odayaal wax-garad iyo siyaasiyiin ka soo jeeda beesha Carab Soomaali ayaa siweyn uga soo horjeestay isku-shaandheyn uu dhawaan sameeyay ra’iisal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya.

8/9/2018 11:38 AM EST
Khamiis, August, 09, 2018 (HOL)- Shirkii golaha Wasiiradda Somaliland ayaa maanta lagaga hadlay wax-soo-saarka Beeraha,waxaana la sheegay in la doonayo sidii dalku isku filnaansho uga gaadhi lahaa wax soo saarka dalagyada kala duwan ee Beeraha.

8/9/2018 10:01 AM EST
Khamiis, August, 09, 2018 (HOL)- Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa wareegto uu soo saaray waxaa uu ku magacaabay Garsoore-yaasha Maxkmadda Sare ee dalka, keddib soojeedin ka timid Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Mudane Baashe Yuusuf Axmed.

8/9/2018 9:35 AM EST
Khamiis, August, 09, 2018 (HOL)- Tiro dad ah ayaa ku dhintay kuwa kalana way ku dhaawacmeen weerar lagu qaaday gaari Bas ah oo siday caruur Waqooyiga Yemen.

8/9/2018 6:53 AM EST
Khamiis, August, 09, 2018 (HOL)- Wareegto ka soo baxday xafiiska ra’iisal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xassan Cali Kheyre ayaa shaqadii looga joojiyay wasiir ku-xigeenkii wasaaradda arrimaha dibedda Mukhtaar Mahad Daa’uud.

8/9/2018 2:40 AM EST
Khamiis, August, 09, 2018 (HOL)- Ururka Al-shabaab ayaa sheegtay in ay ka danbeeyeen dilka Askar ka tirsanaa ciidamada Kenya oo qarax lagula eegtay deegaanka Lamu Arbacadii shalay.

8/9/2018 1:32 AM EST
Khamiis, August, 09, 2018 (HOL)- Warar kala duwan ayaa faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya xaalada uu ku sugan yahay madax-weynihii hore ee dowlad deegaanka Soomalida Itoobiya Cabdi Maxamud Cumar oo dhawaan magaalada Jigjiga ka kaxeys-teen ciidamada militeri-ga Itoobiya.

8/9/2018 1:10 AM EST
Khamiis, August, 09, 2018 (HOL) – Wasiirka Wasaarrada arrimaha dibedda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa markii ugu horeysay ka hadlay go’aanka dowladda Soomaaliya ay ku garab istaagtay dowladda Sacuudiga oo khilaaf dhinaca Diblomaasiyada ah uu soo kala dhax-galay dalka Canada.

8/9/2018 12:52 AM EST
Khamiis, August, 09, 2018 (HOL)–Soomaalida ku dhaqan dalka Canada qaarkood ayaa si xoogan uga hor timid go’aankii dowladda Soomaaliya ay isku barbar taagtay dowladda Sacuudiga oo khilaaf dhinaca Dibloomaasiyadaha uu kala dhaxeeyo dalka Canada.