4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Aug 8 , 2018
Khilaafka Mareykanka iyo Iiraan oo sii xoogeysanaya

 

Arbaco, August, 08, 2018 (HOL)–Waxaa sii xoogeysanaya khilaafka dhanka diblomaasiyadda ee u dhexeeya Mareykanka iyo Iiraan, kadib markii Donald Trump uu diiday heshiiskii Iiraan lala gaaray.

Dowladaha reer Galbeedka qaarkood ayaana ka walaacsan go’aanka madaxweyne Trum ee ku aadan Iiraan ,kadib markii uu sheegay in uu xayiraad hor leh uu ku soo rogayo.

Xayiraadaha cusub ee uu Mareykanka ku soo rogay dalka Iiraan ayaa soo jiitay cambaareyn caalami ah, hasse ahaatee cunaqabataynta ayaa u muuqata mid saamey-nteedu aad looga dareemayo gudaha dalka Iiraan.

Dowladaha ku bohoobay Midowga Yurub ayaa dhankooda sheegay in ay doonayan in uu ixtiraamo heshiiska niyuukleerka ee Iiraan ay la galeen quwada caalamka.

Qorshahaasha cusub ee cunaqabateynta ah ayaa la hakiyay sanadkii 2015 kaddib hishiiskii niyuukleerka ee xukuumadda Tehraan la gashay quwadaha caalamka balse madaxweyne Donald Trump ayaa sheegay in ay Iiraan ka badbaadi karto cunaqabateyntan haddii ay joojiso horumarinta bacriminta yuuraaniyamka laga sameeyo hubka niyuukleerka iyo haddii ay joojiyaan waxa uu ku tilmaamay taageerada argagixisada barriga dhexe,

Dowladda Iiraan ayaa dhinaca kale siweyn uga soo horjeeda go’aanka madaxweyne Trump ee ku aadan arrimaha Nuclearka dalkaasi,waxaana ay sheegaty in ay ka jawaabi doonto.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]