4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Aug 8 , 2018
Qarax ka dhacay magaalada Muqdisho

 

Arbaco, August, 08, 2018 (HOL) –Wararka naga soo gaaraya xaafadda Suuqa Xoolaha ee degmada Huriwaa ee magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in qarax xoogan lala eegtay ciidamo ka tirsan kuwa howlgalka midowga Africa AMISOM oo marayay Is-goyska SOS.

Dadka deegaanka ayaa warbaahinta u sheegay in qaraxu ahaa mid loo adeegsaday miino dhulka la galiyay, taasoo lagu weeraray gaadiid ay la socdeen ciidamada AMISOM oo goobta marayay.

Marka uu qaraxu dhacay kaddib ayaa waxaa bilaabatay rasaas xoogan oo ay fureen ciidamada la weeraray oo mid ka mid ah gaadiidkooda uu qaraxu haleelay.

Lama oga ilaa iyo hadda khasaaraha ka dhashay qaraxa iyo rasaasta ay fureen ciidamada, hasse ahaatee dadka deegaanka ay wax ka dhaceen ayaa sheegay in uu khasaare jiro soo gaaray dad shacab ah laakiin aan dhab ahaan la kala ogeyn dhimasho iyo dhaawac.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]