4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Aug 7 , 2018
Faah faahin ku saabsan xariga madaxweynihii hore ee dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya

 

Talaado, August, 07, 2018 (HOL)–Suldaan Cabdullaahi Bashiir oo ka mid ah saalaadiinta dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa faah faahin ka bixiyay wax uu kala socdo xariga madaxweynihii hore ee dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya Cabdi Maxamuud Cumar isaga oo sheegay in la jir dilay ka hor inta aan la kaxeysan.

‘’Saakay Sagaalkii subax-nimo ayaa xaruntii uu ka degenaa magaalada waxaa isku wareejiyay kumannaan ciidamo ah oo ku hubeysan gadiidka dagaalka, halkaa ayeey ka kaxeysteen, ka hor inta aysan kaxeysanna waa ay jir dileen ayuu yiri Suldaan Cabdullaahi Bashiir oo la hadlay Laanta Afka Soomaaliga ee VOA.

Suldaanka ayaa beeniyay wararka sheegaya in madax-weynaha isaga oo badqaba diyaarad looga qaaday magaalada Jigjiga, waxaana uu intaa ku daray kuna eedeeyay ciidamada Itoobiya in ay dhibaato u geysteen dadka deegaanka.

‘’Magaaladan waxey u baahan tahay gurmad caalami ah, dhibaato weyn ayaa ka dhacday oo ay sameeyeen ciidamada militeriga Itoobiya’’ ayuu yiri Suldaanka.

Hadalka Suldaanka ayaa imanaya xili uu madaxweynaha cusub ee dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya Axmed Cabdi Maxamed uu sheegay in xaaladu degan tahay, islamarkaana dowladda dhexe ee federaalka ka war qabto is badalka dhacay.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]