3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Aug 7 , 2018
Madaxweynaha Iraan oo cuna-qabateynta Mareykanka ku sheegay "dagaal maskaxeed "

 

Talaado, August, 07, 2018 (HOL)– Madaxweynaha dalka Iraan, Xasan Rouhani ayaa ka horyimid cuna-qabateyn cusub oo u Mareykanka ku soo rogey, wuxuuna sheegay inaysan wada-hadal la gali doonin marna maamulka uu hoggaaminaayo Trump.

Rouhani, oo hadal ka jeediyay telefishinka ay dowladda Iraan maamusho ayaa madaxweynaha Marekanka ku eedeyay inuu ku howlan-yahay kala qoqob iyo burbur ku yimaada Iraan, isagoo cuna-qabateynta cusub ku tilmaamay dagaal maskaxeed lana-doonayo in lagu qeybiyo dadka reer Tehraan.

Mareykanka ayaa mar kale dib ugu soo rogey dalka Iraan cunaqabateyntii dhaqaale. Cunaqabateyntan ayaa markeedii hore Iran loogu soo rogey si loo xadeeyo barnaamijkeedii nukliyeerka, waxaase markii dambe looga qaadey heshiis caalami ah sanadkii 2015-kii.

Madaxweynaha Marekanka, Donald Trump ayaa si joogto ah u cambaareyn jirey heshiiskaas, xilli hore oo saakay ah ayuu ku weerarey Iraan in maamulka ka jira uu yahay kaligii taliye dilaa ah,wuxuuna Mareykanka ka saarey heshiiskaas seddex bilood ka hor, cunaqabateyntan ayaa hirgashey saqdii dhexe ee Isniinta.

Waxaa kale oo uu ku celiyey madaxweyne Trump, in Nov 5 Mareykanka uu sii wadi doono cunaqabateynta dhinaca tamarta iyo ganacsiga ee ay la galaan ganacsatada ajaanibta ah iyo hey'adaha dhaqaalaha bankiga dhexe ee Iran.

Midowga Yurub ayaa ka hadlay sida ay uga horjeedaan tallaabadaasi,waxayna ballan ku qaadeen in la ilaalinayo waxyaabaha ay sameeyaan shirkadaha dalkaasi ee ganacsiga sharciga ah.


Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online












Click here
8/7/2018 3:54 PM EST
Talaado, August, 07, 2018 (HOL)– Maareeye ku-xigeenkii shirkadda isgaarsiinta Golis ee Puntland ayaa lugu dilay caawa magaalada ganacsiga ah ee Boosaaso , sida ay xaqiijiyeen mas'uuliyiinta deegaanka.

8/7/2018 12:25 PM EST
Talaado, August, 07, 2018 (HOL)–Suldaan Cabdullaahi Bashiir oo ka mid ah saalaadiinta dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa faah faahin ka bixiyay wax uu kala socdo xariga madaxweynihii hore ee dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya Cabdi Maxamuud Cumar isaga oo sheegay in la jir dilay ka hor inta aan la kaxeysan.

8/7/2018 11:45 AM EST
Talaado, August, 07, 2018 (HOL) -Wasiirka Gaashaandhiga Somaliland Eng: Ciise Axmed Xawaare ayaa sheegay inay xoog ama xal kale ku soo afjari donaan sarkaal ciidanka Militariga Somaliland ka goostay oo maamulka Puntland waydiistay dhul uu ciidamo ku urursado.

8/7/2018 10:13 AM EST
Talaado, August, 07, 2018 (HOL)–Madaxweynaha Dowladda Hirshabelle Dr Maxamed Cabdi Waare, ayaa maanta Qasriga Madaxtooyada Magaalada Jowhar ku qaabilay Taliyaha Ciidamadda Midowga Africa ee AMISOM sarreeye Guud Jim Beesigye Oweyesigire oo maanta soo gaaray Magaalada Jowhar isaga iyo saraakiil Sar Sare oo ka tirsan AMISOM.

8/7/2018 9:51 AM EST
Talaado, August, 07, 2018 (HOL)- Dekadda Berbera ayaa waxa si xawli ah uga socda dhoofka xoolaha nool oo bishii u dambeysay aad looga dhoofinayey dekadda.

8/7/2018 9:44 AM EST
Talaado, August, 07, 2018 (HOL)–Xukuumadda Somaliland ayaa ka hadashay isbedelka ka socda Itoobiya iyo shaqaaqooyinkii ka dhacay dawlad deegaanka Soomaalidda Itoobiya.

8/7/2018 9:36 AM EST
Talaado, August, 07, 2018 (HOL)– Ugu yaraan saddex qof ayaa ku dhimatey iska horimaad ka dhacay dulleedka garoonka diyaaradaha Cabdullaahi Yuusuf ee magaalada Gaalkacyo, sida laga soo xigtay saraakiisha deegaanka.

8/7/2018 9:26 AM EST
Talaado, August, 07, 2018 (HOL)– Waxaa maanta xarunta wayn ee jaamacadda SIMAD lagu daah furay mashruuc loogu magac daray Qardul-Xasan. Mashruucaan oo ah kii ugu horeeyay ee nuuciisa ah oo laga fuliyo soomaaliya ayaa suurta- galinaya in ardyada wax ka baranaysa Jaamacadda SIMAD laga fududeeyo culayska qarash ee waxbarashada heerka Jamacadeed ayagoo bixinaya 30% inta daraasaddu u socoto halka 70% ay ku bixin doonaan 3 sano kadib qalinjabintooda.

8/7/2018 8:36 AM EST
Talaado, August, 07, 2018 (HOL)–Wararka naga soo gaaraya magaalada Jigjiga ee dowlad deegaanka Ismaamulka Soomaalida Itoobiya ayaa sheegaya in ciidamada dowladda dhexe ee federaalka Itoobiya kaxeysteen Cabdi Maxamuud Cumar.

8/7/2018 8:30 AM EST
Talaado, August, 07, 2018 (HOL)–Dowladda Jabuuti ayaa diyaarad qaas ah u dirtay boqollaal ruux oo dalka u dhashay oo dalxiis u joogay magaalada Diridhabo ee dalka Itoobiya.

8/7/2018 7:09 AM EST
Talaado, August, 07, 2018 (HOL)–Madaxweynaha cusub ee dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya Axmed Cabdi Maxamed oo wareysi siiyay laanta Afka Soomaaliga ee BBC-da ayaa sheegay in wali siyaasadii iyo nidaamkii dowlad deegaanku ku dhisnaa wax ba iska badalin, hasse ahaatee uu meesha ka baxay oo kaliya Cabdi Maxamuud Cumar.

8/7/2018 4:54 AM EST
Talaado, August, 07, 2018 (HOL)–Guddiga Qaranka ee shaqaalaha rayidka ee dowladda Soomaaliya ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay xil ka qaadis la sheegay in lagu sameeyay xoghayaha joogtada ah ee Wasaaradda arrimaha dibedda Soomaaliya Cali Maxamed Cali.

8/7/2018 2:53 AM EST
Talaado, August, 07, 2018 (HOL)–Wararka naga soo gaaraya degmada Waabari ee gobolka Banaadir ayaa sheegaya in rag ku hubeysan bastoolado ku toogeen meel aan ka fogeyn hoygiisa askari ka tirsanaa ciidamada Booliiska Soomaaliyeed.

8/7/2018 1:29 AM EST
Talaado, August, 07, 2018 (HOL)–68 arday oo 99 ka mid ahi ay hablo yihiin oo afar kuliyadood dhamaystay Jaamacadda Nugaal ayaa munaasabad weyn loogu qabtay Laascaanood xarunta gobolka Sool.

8/7/2018 1:11 AM EST
Talaado, August, 07, 2018 (HOL)–Dowladda Soomaaliya ayaa markii ugu horeysay ka hergalisay meel aan ka fogeyn Ex Koontarool Afgooye magaalada Muqdisho kaasoo si casri ah loo dhisay sida uu sheegay taliyaha ciidamada Asluubta Bashiir Maxamed Jaamac.

8/7/2018 12:55 AM EST
Talaado, August, 07, 2018 (HOL)–Maalintii shalay waxaa xilkii madaxwey-naha dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya iska casilay Cabdi Maxamuud Cumar, waxaana xilkaa si KMG u soo qabtay Axmed Cabdi Maxamed oo horay u ahaa Wasiirka maaliyada.