Iska horimaad khasaare gaystay oo ka dhacay dulleedka garoonka diyaaradaha Gaalkacyo
Talaado, August, 07, 2018 (HOL)– Ugu yaraan saddex qof ayaa ku dhimatey iska horimaad ka
dhacay dulleedka garoonka diyaaradaha Cabdullaahi Yuusuf ee magaalada
Gaalkacyo, sida laga soo xigtay saraakiisha deegaanka.
" Rag watey gaari iska-rogo ah
oo doonayay inay ka soo rartaan ciid dulleedka garoonka diyaaradaha ayaa rasaas
waxaa ku furey maleeshiyaad hubeysan oo koonfurka ka soo jeeda, waxaana goobta
gaaray ciidanka ilaalada garoonka diyaaradaha, sida ayuu iska horimaad ku
bilowday." ayuu yiri sarkaal ka tirsan maamulka garoonka diyaaradaha
Gaalkacyo, oo xaqiijiyay dadka dhintey labo ka mid ah inay ka mid ahaayeen
ciidanka ilaalada garoonka diyaaradaha Gaalkacyo.
Ciidan ka tirsan kuwa isku-dhaf ee ka
howlgalla magaalada Gaalkacyo ayaa la sheegay inay kala dhexgaleen maleeshiyada
iyo ciidanka ilaalada garoonka ee dagaallamay, waxaana dib u laabtey
maleeshiyada la-dagaallamay ciidanka ilaalada garoonka diyaarada.
Xaaladda ayaa hadda deggan, wuxuuna
iska horimaadka ku soo aadday xilli la qorsheynayay dulleedka garoonka
diyaaradaha Gaalkacyo inay saldhig ka sameystaan ciidanka isku-dhafka ah oo
hadda deggan bartamaha magaalada ,sida ay oggaatay Hiiraan Online.
Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online